Dad ku geeriyooday gaari qaad u sidey magaalada Baydhabo

0
Monday May 22, 2017 - 21:02:21 in Wararka by
  • Visits: 443
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad ku geeriyooday gaari qaad u sidey magaalada Baydhabo

    Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in gaari qaad u sidey magaalada Baydhabo kana soo baxay deegaanka Berdaale wadada loo galay ayna ku dhinteen dhammaan dadkii saarnaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in gaari qaad u sidey magaalada Baydhabo kana soo baxay deegaanka Berdaale wadada loo galay ayna ku dhinteen dhammaan dadkii saarnaa.

Ugu yaraan shan ruux ayaa ku dhimatay gaarigan oo noociisu ahaa Noah iyadoo la sheegay in uu dul maray miino wadada loo dhigay kadibna rasaas ay ku fureen maleeshiyaad Alshabaab ah.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in gaarigan lagu dhuftey baasuuke iyadoo dhamaan shantii ruux ee saarneyd ay geeriyoodeen.

Gaarigan ayaa la sheegay inuu marayay meel ku dhow deegaanka Awdiinle, iyadoo qaadka lagu iibiyo magaalada Baydhabo qeyo ka mid ah lagu keeno dhulka isagoo laga soo qaado deegaanka Berdaale.

Ururka Alshabaab ayaa weli ku sugan deegaano ka mid ah gobolka Bay iyadoo hore dhowr jeer uu maamulka dowlad goboleedka Koofurgalbeed sheegay in uu ka saarayo Alshabaab Koofurgalbeed Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip