Kenya oo ciidamo dheeraad ah gaynaysa Mandhera

0
Monday May 22, 2017 - 20:59:27 in Wararka by
  • Visits: 351
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo ciidamo dheeraad ah gaynaysa Mandhera

    Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dhawaan ay ciidamo dheeraad ah geyn doonto magaalada Mandhera ee gobolka NFD, halkaasi oo ay sheegeen inay ku soo bateen falal ka dhan ah amniga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dhawaan ay ciidamo dheeraad ah geyn doonto magaalada Mandhera ee gobolka NFD, halkaasi oo ay sheegeen inay ku soo bateen falal ka dhan ah amniga.

Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi William Ruto oo shalay gaaray magaalada Mandhera ayaa sheegay in ay sii kordheen weerarada Al-shabaab ay ka geystaan Magaaladaasi, ka dowlad ahaanna ay waajib ka saaran tahay sidii ay amniga Mandhera ku xaqiijin lahaayeen.

Ciidamada ammaanka hadda jooga ayuu sheegay in lagu xoojinayo tiro kale, balse ma aanu carabaabin tirada rasmiga ah ee ciidanka dheeraadka noqonayaan.

Ciidanka ayuu sheegay in laga doonaayo inay adkeeyaan ammaanka, sidoo kalena ay ka hortagaan falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka oo Shabaab ay gaystaan.

"Si amniga Mandhera loo xaqiijiyo waa lagama maarman in ciidan kale oo dheeraad ah kusoo xoojinno Magaaladan, waxaa batay weerarada ay Al-shabaab ka geystaan Mandhera, balse waxaan rajeyneynaa inan soo afjari doonnoā€¯ ayuu yiri Ruto.

Sanadkii 2011, wixii ka dambeeyay Al-shabaab waxay xoojiyeen weerarada ka dhanka ah dalka Kenya, sababtuna waxay ahayd sanadkaasi waxaa dalka soo galay ciidamo Kenyan ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip