INDHAHA WADDANIGOW ARKA BASAASKA!. W/Q/Bashiir Cali Xuseen(Barbaariye)

0
Sunday May 21, 2017 - 23:29:44 in Maqaallo by
  • Visits: 1053
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    INDHAHA WADDANIGOW ARKA BASAASKA!. W/Q/Bashiir Cali Xuseen(Barbaariye)

    Basaaska amaba jaajuuska sirta bahda ummadnimo ee qarankiisa cadowga hoos dhiga ee san dareertada ku doorsada ciqaabtiisu waa dil ay dunida oo dhan isku raacsan tahay, inkasta oo ay dowladuhu ku kala duwan yihiin nuuca ciqaabta ah ee la marsiinayo sh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Basaaska amaba jaajuuska sirta bahda ummadnimo ee qarankiisa cadowga hoos dhiga ee san dareertada ku doorsada ciqaabtiisu waa dil ay dunida oo dhan isku raacsan tahay, inkasta oo ay dowladuhu ku kala duwan yihiin nuuca ciqaabta ah ee la marsiinayo shakhsigaasi sharafta ka dhintay ee aan mudnaanta iyo maamuuska waddaniyadeed istaahilin.

Waagii ay dowladnimada Soomaaliya xoogga laheyd, qofka lagu helo basaasnimo shisheeye abaal marintiisu, waxey aheyd dil toogasha ah, waxaana lagu qaadi jiray qodob ku magacownaa ” Contaro bandiera” oo ahaa ka soo hor jeesasho calan.

Qofka denbigaasi lagu helo waxaa loo aqoonsan jiray fulay aan geynin qarannimada Soomaaliya, marka la dilayana, waxaa la marsiin jiray ciqaab dhabar ka toogasha ah, oo waxaa la dhihi jiray ma geeyo in wejiga laga toogto oo sida geesiyada loo dilo, maxaa yeelay waa fulay gumeysi madaxa hoos dhigtay oo rasaastu ay wejigiisa ka faanto!.



Haddaba maanta, dalkeenna hooyo, waxaa ku soo badanya masuuliyiin la tuhunsan yahay oo la leeyahay ” Hebel dowlad heblaayaa wadata iyo hebel waa basaas ama waa jaajuus u shaqeeya dowlad heblaayo”, taasi oo iska noqotay wax caadi ah oo laguba faano, welina aanan la arag cid waddaniyad xanbaarsan oo ka dhiidhiyeysa xumaanta nuucaas ah ee qaran duminta ku saleysan.

Ugu danbeystii, waxaan madaxa iyo majaha aan kala maarmin ee Soomaaliyeed u soo jeedinayaa ” in ay arrinka fiiro gaar ah u yaashaan shakhsiyaadka lagu tuhunsan yahayna aanan loo sacab tumine shartooda laga hor tago”.
Guubaabadeyduna waxey tahay:-


” INDHAHA WADDANIGOW ARKA BASAASKA!”.

W/Q/ Bashiir Cali Xuseen(Barbaariye)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip