Guuleed "Haddii aan duruufta nagu qasbin xoog inaan u adeegsano Ahlusuna ma rabno"

0
Sunday September 06, 2015 - 11:03:18 in Wararka by
  • Visits: 1074
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guuleed "Haddii aan duruufta nagu qasbin xoog inaan u adeegsano Ahlusuna ma rabno"

    Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in aanay marnaba la aqbali doonin ciida ka madax banaan ciidamada sharciga ah ee dowladda ka tirsan ee ku sugan Gobollada Dhexe. Madaxweyne Guuleed oo wareysi siinayay Idaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in aanay marnaba la aqbali doonin ciida ka madax banaan ciidamada sharciga ah ee dowladda ka tirsan ee ku sugan Gobollada Dhexe. Madaxweyne Guuleed oo wareysi siinayay Idaacada VOA ayaa sheegay in mar walba ay diyaar u yihiin wada hadal iyo wada xaajood uu la galo Maamulka Ahlusuna Wal-jameeca.

                "Anaga iyo Culimadda Ahlusuna ee jooga Dhuusa Mareeb iyo deegaanada kale xiriir ayaa inoo socda, waxaa ku qancineynaa inay ka mid noqdaan Maamulka, wax kasta oo suura gal diyaar ayaa ula nahay”ayuu yiri Madaxweyne Guuleed.

                 Waxaa uu sheegay in haddii wada hadalada ay guuldareystaan aanay ogolaan doonin ciidan madax banaan oo Gobolka jooga oo aan maamulkiisa ka tirsaneyn.



         "Haddii aanay duruufta nagu qasbin xoog inaan adeegsano ma rabno, wixii khilaaf iyo ra’yi kala duwanaan jira wada hadal iyo wada xaajood ayaa ku xalineynaa, waana rajeyneynaa in walaalaha Ahlusuna ay baaqyada aan jeedineyno inay qaataan”ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

                 Culumaa’udiinka Ahlusuna ee horay ula wareegay degmooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guriceel ayaa horay uga soo horjeestay Maamulka lagu dhisay Cadaado, iyagoo dhowaan qaadacay Golihii wasiirada ee uu magacaabay Madaxweynaha Galmudug iyo heshiiskii ay la galeen garab ka mid ah Ahlusuna.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip