Gobolka Banaaddir, Muxuu Xaqiisa u Maqan Yahay ?

0
Monday May 15, 2017 - 16:16:36 in Wararka by
  • Visits: 891
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gobolka Banaaddir, Muxuu Xaqiisa u Maqan Yahay ?

    As cl wr, Waxaan Salaamayaa Dhammaan Walaalaha. Waxaan Rabaa In aan u Mahad-naqo Walaaha Highlight-gareeyey Qaddiyad Dabcan Baahi Weyn Loo Qabo Ka Hadalkeeda. Sidoo Kale Walaalaha Kale ee Isku Howlay Wax ka Dhihidda iyo Ka Faalleynta Qaddiyadda Gob

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

As cl wr, Waxaan Salaamayaa Dhammaan Walaalaha. Waxaan Rabaa In aan u Mahad-naqo Walaaha Highlight-gareeyey Qaddiyad Dabcan Baahi Weyn Loo Qabo Ka Hadalkeeda. Sidoo Kale Walaalaha Kale ee Isku Howlay Wax ka Dhihidda iyo Ka Faalleynta Qaddiyadda Gobolka Banaaddir.
Aniga Dhankeyga Markaan Ka Eego Arrinka Maaha Mid Adag (Not As Much Complicated As The Chicken And The Egg).

Haddii Lagu Murmo ” Maxay u Taagan Yihiin Dadka Ku Nool Gobolka Banaaddir Maxaddada ay Taagan Yihiin Maanta ?”
What’s That For ?

Dadka Gobolkaas Ku Nool Ma Ayukaa Isu Diiddan Xaqqa ay Leeyihiin Mise Soomaaliyaa u Diiddan ?

Ma Hoggaan Xumi ayaa Heysata ?, Ma Ayukaa Xun ?

Su’aalahu Waa ay Ka Badan Karaan Inta aan Sheegay.

Dabcan, Waxaan Hubaa In Jawaabo Kala Duwan Ay Ka Imaanayaan Su’aalahaas.


Aniga Waxaan Horu-dhac ahaan u Leeyahay Sidaan;

Dadka Gobolkaas ku Nool Ma Garanayaan Waxa ay Nolosha Ka Rabaan Sababtoo ah Waxba Ma Rumeysna amaba Ma Jiraan Wax ay Aaminsan yihiin (iimaanka Ku Qabaan) Raacaan, u Hoggaansamaan, Ku Dhaqmaan, Wax-ku-dhiibaan, Wax-ku-qaataan, Daacad u Ahaadaan, Difaacaan, u Noolaadaan, u Dhintaan, Wax Walba u Huraan. Ma Aaminsana Xeer ay Fartoomaan Waxa uu Farayo ama Ka Reebtoomaan Waxa uu Ka Reebayo.

Waa Dad Ku Raalli Noqday in ay Ku Duulaan, Kuna Degaan (Talada Ka Qaataan ) No Matter Dhib iyo Dheef Waxa ay Kal Kulmaan Figures-kaan

1-Isu -qabe.
2-Ciil-qabe
3-Shaada-riix.
4-Daanaq.
5-Dhaan-ka-dhuumad.

Dadka Gobolkaan Waxa ay Qiimeeyaan Wax aan Qiima Laheyn. Sida Xil Qaran Tusaale Madax-weyne ama Ra’iisul Wazaare iwm. Mana Qiimeeyaan Wixi Qiima u Leh. Sida Gobolkooda iyo Deegaanada Loo Tiriyo. Taasina Waa Astaamaha Baabba’a iyo Taariikhda oo Laga Tirmo.

Dadka Gobolkaan Deggan Maaha Dad Go’aan Qaadan Kara.
Waxaa aad ii soo Jiitay Quotation -ka Dhahaaya
"It’s Not Hard To Make Dicision Once You Know What Your Values Are ”
Haddii Dadka Ku Nool G/banaaddir ay Dhab Ka Tahay u Doodista Xuquuqda Gobolkaan, Haku Heshiiyaan Mabaadii’ iyo Qiyam Kooban oo La Qodobeeyey ee Qeexaya Wixi Mar Walba Waajib ah iyo Wixi Mar Walba Xaaraan ah (Reeban ) Kana Duulaya Danta Dadka, Deegaanka iyo Deeqda.

Waxaa ay u Baahan Yihiin Gole Geed-fadhi ah oo ka Kooban Dadka Macnaha u Leh Bulshada Astaanna u ah Ummadnimada Ummadeed Sida: Duubabka Dhaqanka, Aqoon-yahanka, Culimada, Dhallin-yarada, Haweenka, Ganacsatada, Qeybaha Kala Duwan ee Bulshada (All inclusive) iwm.

Waa Gole Awood Buuxda u Leh Magacaabidda Figaures-ka ama Shakhsiyaadka u Mathalaayo ama Uga Wakiilka Noqonaayo Dadka Deegaanka Mas’uuliyadaha/Xilalka Qaran.

Waxaan u Maleeynayaa In La Gaaray Waqtigi La Diidi Lahaa Shakhsi Asiga Iskiis Soomali Xil-qaran Uga Doontay. Ha Helo Hase Soo Hungoobee.
Haddii ay Dhab Tahay U Doodista Xuquuqda Gobolkaan. Haka Shaqeeyaan Dadka Gobolka In Go’aan Wada-jir ah Laga Qaato Wixi La Wada Leeyahay. Ama Ciil iyo Calaa-cal Ku Jira.

Ogaada Nin aadan Dirsan Kuma Eedi Kartid "Maxuu Wax Noogu Qaban Waayey ?”
Balse Ninki aad Dirsateen Idinkoo u Dhan, Waxow Keeno Ceeb Ma Leh.
oo Waa Tii Hora Loo Yiri "Wax Leysku Ogyahay Ceeb Ma Keenaan, Haddey Keenaanna Leysma Caasiyo”

Taas Ayaan Is Leeyahay In ay Fududeyn Karto In Ay Soo Deddejiso Helitaanka Xuquuqda Gobolkaan. Waxba Yaan Ganaha La Suran Soomaali. Reer Walba Waxa uu u Arkay Daw in uu ka Shaqeeyo Dantiisa. Marka Sax Uma Arko in aan Ku Eedeyno Dan aan Anuka Iska Dayacnay Reer Kale oo Danahooda Raacday, (Conspiracy Theory).

Dadka u Dhashay Gobolka Banaaddir, Waxa ay La Mid Yihiin Ninki Saciisi oo Ruqday Dabada Uga Fadhay ee Yiri "ila Rujiya Sacaan Iga Ruqday”
Waxaa Yaab ah In Gobolkaan Xaqqiisi Maqan Yahay, Balse Waxaa Ka sii Yaab Badan Dadki Lahaay oo Iska Dayacay Gobolkooda In ay Ku Eedeyaan Jihooyin Kale.
Iga Raalli Ahadaa Walaalaha Aqrisan Doono Qormadeyda.

Haddii aad Ku Aragtaan Wax Khaldan, Aniga Khalad Uma Jeedin amaba Kuma Talo Galin In aan Khalad Sameeyo, (Human Factor)
Balse Waxaan Xaq Kuu Siinayaa, Aqristow, In aad Saxdo Wixi Khaldan. Waadna Ku Mahadsan Tahay.

Baarakal-Laahu Fiikum wa Khairan Jazaakum.

Qore:-Abdirahmaan Sheikh Muhiadiin Eli



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip