Akhriso:-Koonfurta Kuuriya Lixdan Sannadood Ka Hor Faqri, Maantana Dalalka Ugu Hodansan

0
Sunday May 14, 2017 - 15:58:02 in Wararka by
  • Visits: 1152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:-Koonfurta Kuuriya Lixdan Sannadood Ka Hor Faqri, Maantana Dalalka Ugu Hodansan

    Wadanka Koonfurta Kuuriya waa wadan ku yaala Bariga Fog ee khaarada Aasiya waana qeybta koonfureed ee gacanka kuuriya caasimada dalkuna waa Magaalada Seoul waxaana wadankaas tirada dadkiisu ay gaarayaan in ka badan Konton Milyan oo qof.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Koonfurta Kuuriya waa wadan ku yaala Bariga Fog ee khaarada Aasiya waana qeybta koonfureed ee gacanka kuuriya caasimada dalkuna waa Magaalada Seoul waxaana wadankaas tirada dadkiisu ay gaarayaan in ka badan Konton Milyan oo qof.




 


Wadankan waxaa soo maray xili ay ka dhaceen dagaalo dhiig badani ku daatay dagaaladaas oo u dhaxeeyey labada kuuriya ee Koonfur iyo Waqooyi oo ah dad isku mid ah kana siman dhaqan, diin iyo dhiigba.

Douglas MacArthur oo ahaa Jenaraal Mareykan ah kana soo qeyb qaatay Dagaalkii 2-aad ee dunida ahaana Marshalkii heystay ciidankii Mareykanka ee ku sugnaa dalka Filibiin ayaa markuu eegay dagaalada culus ee reer Kuuriya dhexdooda dhex marayey,Hogaan xumida haysa iyo Rajo beelka haysta ummadda wadankaas ku nooleyd iyo sida ay waqtigaas u bur bursaneyd Koofurta Kuuriya ayaa wuxuu yiri sidan:

"Wadanka Koonfurta Kuuriya malahan wax mustaqbal ah,mana soo kaban doono xitaa boqol sannadood oo hada kadib ah”.

Sidoo kale diblomaasi u dhashay dalka Hindiya oo lagu magacaabi jiray Vengalil menon oo madax u ahaa wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo dalkaas Koonfurta Kuuriya socdaal ku tagay ayaa wuxuu yiri sidan:

"Sidee ubaxyo meel qashin qub uga soo bixi karaa. ”. taas oo uu ula jeeday wadanka Koonfurta Kuuriya inuu yahay dal burburay oo aan wax raja ah oolin.

Raul martinez oo ahaa nin Jenaraal oo u dhashay dalka Colombia qeybna ka ahaa saraakiishii hogamineysay ciidamadii 28-ka dowladood ka koobnaa ee ka qeyb galay dagaalkii u dhaxeeyey dadka Reer Kuuriya ayaa isagoo sifeynaya duruufaha dhaqaale ee kuuriya iyo burburka gaaray waxuu yiri sidan:

"Kuuriya waa wadan aad u faqiir ah oo burburay,waxaan u dagaalanay xuriyada iyo dimuquradiyada Jamhuriyada kuuriya”

EEG SAWIRKA KOOWAAD WAA SANNADKII 1950-KII SIDA AY AHEYD KOONFUR KUURIYA.

Si kastaba ha ahaatee dalka Koonfurta Kuuriya oo sidaas looga dayrinayey xaaladiisa mudo 60 Sannadood ah kadib waqtigan waxa ay noqotay quwad dhaqaale oo Caalamka ka jirta iyo wadanka 11-aad ee ugu dhaqaalaha badan dunida halkii ay awal ka mid aheyd wadamada ugu faqiirsan ama ugu saboolsan dunida.

Hadaba su’aasha lays weydiin karo ayaa waxa ay tahay Koonfurta Kuuriya oo ka mid ahayd wadamada dunida ugu faqirsan ama ugu saboolsan sidee isaga goysay silsiladii faqriga una gaartay hormarka maanta noo muuqda ee ay ku talaabsatay?

Hadii Su’aashaa aan ka jawaabo waxyaabaha ugu muhiimsan ee saldhiga u ahaa horumarka haatan dalkaas uu hiigsaday ayaa waxaa jirey wadanku markii uu soo kabanayey ayaa madaxdii dalkaas hogaaminayey waxa ay muhiimada saareen dhinaca waxbarashada iyadoon la iska indha tiri karin baahida heysay iyo faqriga hadana waalidinta kuuriyanku waxey u halgamayen sidii ay quutul yoomka uguso dhici lahayen caruurtooda iskuulada ku jirta.

Afgambigii milatari ee ka dhacay dalka Koonfurta Kuuriya Sannadkii 1961-kii jamhuriyadi dimuqurdiga aheyd waxey hoos gashay maamul kaligii talis ah laakiin wax badan ka qabtay dhaqaalaha iyo dib u dhiska wadanka iyagoo muhimada siiyay kobcinta dhaqaalaha iyo waxbarashada iyo maalgalin shisheeye waxeyna dhigeen qorshe 5 sano ah oo wadanka dhaqalihisa sare loogu qaadayo iyagoo gacan ka helayay dalalka Jarmalka, Mareykanka iyo Qaramada Midoobay.

Sannadihii 1965-kii ilaa 1980-kii waxey Koonfurta Kuuriya ku dhaqaaqday kacdoon warshadeed iyago kiciyay warshada dharka, warshada biraha dhismaha soo saarta, warshada baabuurta iyo maraakiibta iyo warshado kaloo badan.

Maanta Koonfurta Kuuriya waxaa ka jira shirkadaha Tiknolajiyada ee caalamka ugu caansan sida SAMSUNG iyo LG kuuriya Alle ka sakowna baahi kama baxeen Reer Koonfur Kuuriya hadii aysan waalidintu dhexda u xiran una tanasulin caruurtooda oo waxbarin maalintey u dhimanayen baahida.

EEG SAWIRKA LABAAD WAA HAATAN IYO SIDA AY U HORUMARTAY KOONFUR KUURIYA.

Madaxweynihii hore xilka ka dagay ee dalka Mareykanka Barack Obama mar uu dalalka Afrikanka dhiirigalinayey ayaa isagoo Koonfurta Kuuriya ku hal qabsanaya wuxu yiri "Si ay uga baxdo faqriga Afrika waa in ay tusaale ka dhigataa Koonfurta Kuuriya”

Qalinkii: Ayub Hashi

xigasho.simbanews.net



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip