Hab qeybsiga Guddiga farsamada Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo lagu muransan yahay

0
Monday August 17, 2015 - 07:43:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1297
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hab qeybsiga Guddiga farsamada Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo lagu muransan yahay

    Iyadoo maalmihii u dambeeyay shirar u socday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo saxiixayaasha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa soo baxaya muran ka taagan hab qeybsiga xubnaha Guddiga farsamada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo maalmihii u dambeeyay shirar u socday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo saxiixayaasha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa soo baxaya muran ka taagan hab qeybsiga xubnaha Guddiga farsamada.
Inkastoo uu dib u dhac ku yimid ku dhawaaqistii Guddiga farsamada oo qorshuhu ahaa in 15-kii bishan la magacaabo ayaa waxaa la sheegayaa in caqabado dhowr ah ay ka hor yimaadeen.

Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in wali la isku haayo habka loo qeybsanayo Guddiga farsamada oo ka kooban 31 xubnood, waxaana wali la isla meel dhigin sida loo qeybsanayo.

Labo aragti oo kala ahaa in xubnaha Guddiga farsamada labo gobol loo kala qeybsado iyo in beelaha kala qeybsadaan ayaa ah mid uu ka taagan is mari waa, laguna kala aragti duwanaaday, kadib markii beelo qaar ay ka keeneen saluug ku aadan inuu dhaco sad-buris.


Labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa horay la isla gartay in 16 xubnood Guddiga farsamada ay qaadato Gobolka Hiiraan iyo 15 xubnood ay qaadato Shabeellaha Dhexe, waxaase uu muran ka taagan yahay habka lagu qeybsanayo iyo beelo saluug durbaba ka muujinaya in beelo qaar ay qaataan xubnaha ugu badan.

Shirka ayaa la sheegay in habeen hore lagu kala kacay, markii la isku mari waayay habka loo qeybsanayo Guddiga farsamada, hase ahaatee waxaa xalay dib la isugu soo laabtay shirka, waxaana wararku sheegayaan in markii hore qeyb ahaan la isku afgartay, hadana beelaha qaar ay saluug ka keeneen sida loo qeybsanayo Guddiga farsamada.

Dhinaca kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa shuruudo hor-dhigtay xubnaha ka mid noqonaya Guddiga farsamada Maamul u sameynta Labada Gobol in aanay ka mid noqon karin Xildhibaanada la soo xulay ee labada gobol, si aanay dhicin sida tii Galmudug ka dhacday oo kale oo xubno ka tirsanaa Guddiga farsamada ay Xildhibaano noqdeen.

Wasaaradda ayaa la sheegay inay dooneyso in si dhex dhexaad ah ay u dhacdo howsha Guddiga farsamada, si aanay hadhow isu qorin xubnaha Guddiga marka ay timaado soo xulista Xildhibaanada.

Dad badan oo taxliiliya arrimaha siyaasada ayaa aaminsan inuu dib u dhac ku imaan karo jadwalkii maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, maadaama bilowga hore ee howsha ay caqabado ka hor yimaadeen.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip