Mareykanka oo walaac ka muujiyay qorshaha Ruushka uu ku hubeynayo dowladda Suuriya

0
Sunday September 06, 2015 - 09:58:53 in Wararka by
  • Visits: 1002
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo walaac ka muujiyay qorshaha Ruushka uu ku hubeynayo dowladda Suuriya

    Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka John Kerry ayaa walaac ka muujiyay qorshaha Ruushka uu ku hubeynayo dalka Suuriya, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in Ruushka ciidamo ka joogaan Suuriya. Mr Kerry ayaa taleefanka kula hadlay dhigii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka John Kerry ayaa walaac ka muujiyay qorshaha Ruushka uu ku hubeynayo dalka Suuriya, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in Ruushka ciidamo ka joogaan Suuriya. Mr Kerry ayaa taleefanka kula hadlay dhigiisa Ruushka Sergie Lavrov, isagoo kala hadlay arrinta ku aadan hubka uu Ruushka siinayo Suuriya iyo walaaca uu Mareykanka arrintan ka qabo.

Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka John Kerry ayaa sheegay in haddii Ruushka uu hub siiyo Suuriya, isla markaana ka qeyb qaato dagaalka ka dhanka ah Mucaaradka ay xaalada uga sii dari karto.

Dowladda Ruushka ayaa dhankeeda wal wal ka qaba awood-yaraanta dowladda Suuriya, iyadoo kooxaha Mucaaradka iyo Kooxda Daacish ay sii wadaan halgankooda ku wajahan inay dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Asad xukunka ka tuuraan.




Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in la gaaray waqtigii ciidamo loo diri lahaa Suuriya, si ay u taageeraan dowladda Suuriya, isla markaana ay ka caawiyaan hubka iyo tababarka Ciidamada.

Reer Galbeedka ayaa il gaar ah ku haayay xaalada Suuriya, tan iyo markii kacdoonka ka bilowday dalkaas sanadkii 2011, waxayna taageerayeen mucaaradka qunyar-socodka, hase ahaatee doorka Ruushka ka qaadanayo dagaalka Suuriya ayaa walaac hor leh sii abuuraya/



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip