Wiilashii Soomaaliyeed ee Tusaalaha ahaa

0
Tuesday May 09, 2017 - 21:58:08 in Maqaallo by
  • Visits: 915
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiilashii Soomaaliyeed ee Tusaalaha ahaa

    Jamaal iyo Ismaaciil oo Soomali ah ayuu ka hadlayaa oo isaga iyo labo kamid ah walaalihii ay dhowri jireen saacadda xilli bisha Soon lagu jiro. Alex oo ah wade Taxi ka shaqeeya Liverpool ayaa ii sheegaya xilli aan ku wajahnaa Garoonka diyaaradaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jamaal iyo Ismaaciil oo Soomali ah ayuu ka hadlayaa oo isaga iyo labo kamid ah walaalihii ay dhowri jireen saacadda xilli bisha Soon lagu jiro. Alex oo ah wade Taxi ka shaqeeya Liverpool ayaa ii sheegaya xilli aan ku wajahnaa Garoonka diyaaradaha.

Hooyada Alex oo ah daryeelle xanaaneeya caruurta waxay gacanta ku heysaa Ismaaciil iyo Jamaal oo Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas ay ka caawisay in laga soo qaado halkii ay joogeen markii ay kala lumeen waalidkooda xilligii dagaalada sokeeye ay ka socodeen Soomaaliya.

 

Alex ayaa aad u jecleystay hab dhaqanka wiilashaas oo uu sheegay in ay soomijireen iyaga oo da’yar iyaguna raali ku ahaayeen in ay cashada sugaan inta afurka laga gaarayo. Suuligana iska ilow buu yiri hadday kaaga hormaraan waliba subaxdii, waa kuwo qubeyska ku daaha, "wayna carfayaan".


Hadalkiisa wuxuu ku daray in wiilasha wali ay soo xiriiriyaan qoyskiisa. Midkamid ah wiilasha ayaa nasiib u yeeshay in waalidkiisa dib u la midoobo, taasina waxay keentay in hooyadiisa usbuuciiba mar ay la soo xiriirto hooyada Alex.

Inkasta oo uusan aaminsanayn Diinta Islaamka, hadana wiilasha waxaa uu ka bartay adkeysigooda saacadaha 20-ka kabadan ee ay soomanyihiin iyo ilaalinta dhaqankooda. Waxay iga caawiyeen buu yiri in aan is nadiifiyo oo aan yareeyo mukhaadaraadka aan is ticmaalijiray.

Farxaddiisa la noolaanshaha wiilal Soomaaliyeed waa mid aan dareemikaray.

Aragtideyda, ilbaxnimadu, micanaheedu waa wada noolaansho iyo in lagu heshiiyo baahida jirta ama rabitaanka bulsho iyo mid shaqsiyadeedba intii lagu dagaali lahaa ama xoog lagu raadin lahaa.

Ereyga " Is dhexgal” waa mid adeegsigiisa uu badanyahay marka laga hadlayo dhaqanka bulsho cusub oo la soo degtay bulsho kale, sida dad qaxooti ahaan ama qaabab kale ku tagay qaarad ama dal looga dhaqmo dhaqan ama diin tooda ka duwan.

Jahwareer la xiriira dhaqanka ayaa soo muuqanaya marka mowduucyo aan isku xirnayn la geliyo hal-qaanad oo saldhiggeedu yahay faquuq, naceyb iyo cunsirinimo, tanina gaar uma ahan bulsho ama koox gooni ah. Fahamka diinta iyo dhaqanka waa mid ay haboontahay in si buuxda loo dhuuxo si maskaxda ay u ballaarato una yaraadaan jahwareerka ka imaanaya arimaha qaarkood. Wax ka kororsiga wadaad isku sheeg aaminsan in dadka aan muslimiinta ahayn wadada lagu ciriiriyo isaga oo waliba ku nool dal muslimiinta ay ku yar yihiin ayaa kamid ah jahwareer ku imaanaya maskaxda fahamkeeda uu hooseeyo. Dadkaasi qaarkood oo aan ku arkay dalka aan ku noolahay xitaa ma difaacikaraan caqiidadooda hadana waa kuwo leh gar dhaadheer oo kuweydiinaya in rootiga aad iibsato uu yahay xalaal!

Ujeedkeygu ma ahan in aan saluugsanahay hab-muuqasho, taasi waa mid qofka uu u madaxbanaanyahay balse waxay gaabineysaa saameynta, haddii aragti saliim ah oo cilmi iyo caqli ku dhisan lala wadan garka dheer.

Hab dhaqankaas wiilasha yar yar ayaa ka micno weyn ismuujin aan ku dhisneyn dhaqanka suuban iyo diinta dhowrsan. Balse waxay diinteenna fareysaa, in la wanaajiyo deriska, la caawiyo kuwa liita, hab wanaagsan lagula macaamilo mujtamaca aad la nooshahay.

WQ Abdiaziz Abdinur Ibrahim



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip