Al-shabaab oo Beeniyay War ay Dowladda Kenya Baahisay

0
Sunday April 23, 2017 - 11:27:42 in Wararka by
  • Visits: 449
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab oo Beeniyay War ay Dowladda Kenya Baahisay

    Xarakada Al-shaabab ayaa beenisay war ay Dowladda Kenya Todobaadkii aynu soo dhaafnay baahisay oo ku aadan in duqeyn diyaaradeed lagu dilay 52-xubnood oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada Al-shaabab ayaa beenisay war ay Dowladda Kenya Todobaadkii aynu soo dhaafnay baahisay oo ku aadan in duqeyn diyaaradeed lagu dilay 52-xubnood oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab.

Afhayeenka Howlgalada Xarakada Al Shabaab Sheekh Cabdi Caziiz Abu Muscab oo la hadlay Idaacada Andalus ayaa sheegay ineysan waxba ka jirin sheegashada Dowlada Kenya ee ah inay dileen 52 Xubnood , waxaa uu sidoo kale sheegay ineysan habayaraatee jirin wax weerar ah oo lagu qaaday xero ciidan oo ay ku leeyihiin Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose iyo nawaaxigeeda.

Sidoo kale Afhayeenka Howlgalada Xarakada Al Shabaab Sheekh Cabdi Caziiz Abu Muscab ayaa tilmaamay in Dowladda Kenya ay dhaqan ka dhigatay Mudooyinkii dambe in ay iska sheegato in duqeyn ay ku dishay saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Dowladda Kenya ayaa Jimcihii sheegtay in duqeyn laga fuliyay Saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose lagu dilay 52-xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab islamarkaana lagu qabsaday hub ciidan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip