Faransiiska oo maanta looga dareerayo doorashada Madaxtinimada dalkaas

0
Sunday April 23, 2017 - 11:01:00 in Wararka by
  • Visits: 451
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faransiiska oo maanta looga dareerayo doorashada Madaxtinimada dalkaas

    Faransiiska ayaa isu diyaarainaya doorashada madaxtinimada dalkaas, iyadoo maanta oo Axad loo dareeray goobaha cod bixinta, xilli ammaanka si aad ah loo adkeeyay, kaddib weerar khamiistii ka dhacay Paris oo lagu dilay askari Boolis ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faransiiska ayaa isu diyaarainaya doorashada madaxtinimada dalkaas, iyadoo maanta oo Axad loo dareeray goobaha cod bixinta, xilli ammaanka si aad ah loo adkeeyay, kaddib weerar khamiistii ka dhacay Paris oo lagu dilay askari Boolis ah.

Illaa 50-kun oo boolis iyo illaa 7,000 oo ciidamo Milateri ah ayaa la geeyay dhamaan magaalooyinka dalkaas, si ay u xaqiijiyaan ammaanka goobaha doorashada ka dhaceyso.

11 Musharax ayaa isku garbinaya inay noqdaan Madaxweynaha soo socda ee dalkaas, iyadoo la filayo labada musharax ee ugu codka badan ay u gudbaan wareega labaad ee doorashada Madaxweynaha oo dhici doonta bisha May.

Musharaxiinta qaar ayaa yeeshay doodo kulul oo ka baxeysay Telefishinada, waxaana xisbiyada u tartamaya xilka Madaxtinimada ay isku dhaafsadeen hadalo kulul.

Afarta Musharax ee ugu cad cad ayaa waxay kala yihiin Francois Fillon, Marine Le Pen, Emmanuel Macron iyo Jean-Lug Melenchon.

Madaxweynaha xilka haya Francois Hollande oo xilkan loo doortay sanadkii 2013 ayaan tartami doonin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip