Howlgallo laga sameeyay Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Howlgallo xoogan ayaa saaka waxa ay ka soconayaan Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Wararka ayaa sheegaya in Howlgalladaan lagu baadi goobayo Kooxihii ka dambeeyay Dil Nabadoon Caan ahaa xalay loogu geystay degmadaasi Qoryooleey.
Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Qoryooleey Dhame Cabdiqaadir Maxamed Cali ayaa hoosta ka xariiqay in baadi goob ballaaran ay ugu jiraan Dableyda ka dambeysay dilka Nabadoonkaasi.
Kooxihii geystay Nabadoonka lagu dilay Degmada Qoryooleey ayaa horay ilo deegaanka ah u xaqiijiyeen in ay baxsadeen.
Howlgallo laga sameeyay Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Howlgallo xoogan ayaa saaka waxa ay ka soconayaan Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Wararka ayaa sheegaya in Howlgalladaan lagu baadi goobayo Kooxihii ka dambeeyay Dil Nabadoon Caan ahaa xalay loogu geystay degmadaasi Qoryooleey.