Dowladda Soomaaliya oo xayiraad ku soo rogtay Diyaaradaha Qaadka Sida ee ka soo daga Magaalada Jowhar
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xayiraad ku soo rogtay Diyaaradaha Qaadka ka keena Kenya ee ka dajiya Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar.
Amarkaan Xayiraadaan oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ka hadlay maamulka Hirshabelle.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Hirshabelle Maxamuud Batalaale oo u warramayay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in diyaaradaha Qaadka ay ka soo dagi karaan Magaalada Jowhar islamarkaana haatan ay dib u dhis ku wadaan Garoonka Diyaaradaha Cesaleey isagoo dowladda Soomaaliya ugu baaqay in fara gelinta ay ka deyso maamulka Hirshabelle maadaama Ganacsatada Qaadka si iskood ah ay go’aankaasi u qaateen.
Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo canshuuro dheeraad ah saartay Ganacsatada Qaadka ayaa waxaa ka horyimid go’aankaasi Ganacsatada Qaadka oo go’aansaday in diyaaradaha Qaadka keena ay kala soo dagaan Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.