C/risaaq Cumar "Ciidanka ay tababareen Imaaraadka, kama amar qaataan Taliska Ciidanka"

0
Sunday April 23, 2017 - 10:39:22 in Wararka by
  • Visits: 473
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/risaaq Cumar "Ciidanka ay tababareen Imaaraadka, kama amar qaataan Taliska Ciidanka"

    Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ka hadlay ciidamada ay tababareen Imaaraadka Carabta, kuwaasoo hada ah ciidan gaar ah oo aan ka amar qaadin Taliska Ciidanka xoogga dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ka hadlay ciidamada ay tababareen Imaaraadka Carabta, kuwaasoo hada ah ciidan gaar ah oo aan ka amar qaadin Taliska Ciidanka xoogga dalka.

Xildhibaan C/risaaq oo wareysi gaar ah siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa kaga hadlay arrimaha dib u habeynta ciidamada lagu sameynayo iyo 18-kun askari ee ka imaanaya Maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Wasiirkii hore ee Amniga ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta ay Muqdisho ku leeyihiin Xero Tababar oo askarta Soomaalida ku tababaraan, isagoo xusay in ciidamo fara badan horay u tababareen.

C/risaaq Cumar ayaa sheegay in Ciidamada ay tababareen Imaaraadka Carabta aanay ka amar qaadan taliska Ciidanka Milateriga, isla markaana intii uu xilka hayay ay jireen caqabado dhex maray ciidamada ay tababareen Imaaraadka, Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida, arrintaan ay sabab u aheyd is faham la’aan.

"Imaaraadka Carabta waa sax xero ciidan ayay ku leeyihiin Muqdisho, laakiin ciidamada tababarka loo dhameeyay, waxay awaamiirta ka qaataan Imaaraadka, inkastoo Ciidamo Soomaaliyeed yihiin, balse uma dhega nugla Taliska Ciidanka, intii aan Wasiirka ahaa, waxaa jiray isku dhac iyaga, Ciidamada Nabadsugida iyo Booliska dhex martay, is faham la’aanta jirta ayay qeyb ka tahay”ayuu yiri Wasiirkii hore ee Amniga.

Wasiirka ayaa sheegay in Saraakiil ka socota Koofur Afrika ay Imaaraadka Carabta u tababaraan Ciidamadan, isagoo xusay in aanay Taliska Ciidanka wax shaqo ah ku laheyn dishibiliinkooda iyo awaamiirtooda sida uu hadalka u dhigay.

Mar wax laga weydiiyay saldhiga Turkiga ka dhisanayo Muqdisho ayuu sheegay in Turkiga uu dhowaan dhameystiray dhismaha xerada uu ku tababarayo Ciidamada Soomaaliya, walina aan la furin, balse waxaa uu ammaanay doorka Turkiga ka qaadanayo tababarka Ciidamada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa wax laga weydiiyay arrimaha Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Gaashaan kuwaasoo saldhigooda yahay garoonka diyaaradaha, waxaana uu xusay in Ciidamadan ay yihiin ciidan ay tababareen Mareykanka, mushaarkoodana ay bixiyaan, isagoo xusay in marka loo baahdo in howl gal loogu yeero ciidamadaas uu Taliyaha Ciidanka Nabadsugida u maro Mareykanka, maadaama ay iyaga gacanta ku hayaan sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Wasiirkii hore ee Amniga ayaa ka hadlay qorshaha cusub ee la doonayo in ciidamo cusub oo gaaraya 18-kun askar lagu unko, kuwaasoo ka kala imaanaya maamul goboleedyada.

Waxaa uu sheegay in Dastuurka uu ka hor imaanayo in maamul goboleed uu yeesho Ciidamo Milateri, isla markaana ay tahay arrin qalad ah, waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay in howsha isku dhafka ciidamada la sii joogteeyo.

Mar uu ka hadlayay shirka London ee bisha soo socota furmaya ayuu Madaxda dowladda ugu baaqay inay si gaar ah taxadar uga muujiyaan, maadaama waxa laga hadlayo ay yihiin masiirka dalka.

Waxaa uu sheegay in hadii la xadido ciidamadii difaaci lahaa dalka ama tiro gaar ah loogu qeexo ay tahay mid ka hor imaaneysa madax banaanida Soomaaliya iyo dastuurka dalka u yaal, isagoo intaa ku daray in dowladda Dhexe ay tahay inay maamusho Ciidanka Milateriga.

Shirka London ee bisha soo socota furmaya ayaa lagu wadaa in looga hadlo arrimaha dib u dhiska Ciidamada Soomaaliya, iyadoo lagu wado in Madaxda Soomaalida ee shirka ka qeyb galaya inay la tagaan hal ajande oo mideysan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip