AMISOM iyo Mareykanka oo sheegay in Al-Shabaab laga adkaaday

0
Sunday April 23, 2017 - 10:13:24 in Wararka by
  • Visits: 444
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AMISOM iyo Mareykanka oo sheegay in Al-Shabaab laga adkaaday

    Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgalla Soomaaliya in ay jabiyeen Al-Shabaab,islamarkaana ay wiiqeen awood Ciidan ahaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgalla Soomaaliya in ay jabiyeen Al-Shabaab,islamarkaana ay wiiqeen awood Ciidan ahaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Al-Shabaab hadda aysan la heyn awood Milatari oo ay ku dagaalamaan.

Dhanka kale taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Cismaan Nuur Subagle oo ka qeyb galay Shir looga hadlaayay Xaaladda Ciidamada AMISOM iyo la dagaalanka Al-Shabaab ayaa sheegay in Al-Shabaab ay AMISOM ka guuleysatay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in Al-Shabaab awood kaliya oo ay haystaan ay tahay in ay ku dhex jiraan dadka Soomaaliyeed oo ay ka dhasheen, islamarkaana aan laga dhex aqoon.

Mudane Subagle ayaa ugu dambeyntii Xusay in Ciidamada Al-Shabaab u dagaalama ay isku jiraan Ajaanib iyo sidoo kale Soomaali.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dagaal xooggan waxa ay kula jiraan Xarakada Al-Shabaab oo gacanta ku heysa degmooyin ka mid ah Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa Weeraro toos ah iyo kuwa Qaraxyo ah waxa ay kusoo qaadaan Saldigyadda Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip