Sawir qaade ka tirsan Reuters oo ka bad baaday qarax loogu xiray gaarigiisa

0
Sunday April 23, 2017 - 10:05:19 in Wararka by
  • Visits: 457
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawir qaade ka tirsan Reuters oo ka bad baaday qarax loogu xiray gaarigiisa

    Sawir Qaade ka tirsan Wakaalada Wararka ee Reuters oo lagu magacaabo Feysal Cumar Xaashi ayaa Xalay ka bad baaday qarax loogu xiray gaarigiisa oo ka dhacay agagaarka Isgoyska Banaadir ee degmada Hodan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir Qaade ka tirsan Wakaalada Wararka ee Reuters oo lagu magacaabo Feysal Cumar Xaashi ayaa Xalay ka bad baaday qarax loogu xiray gaarigiisa oo ka dhacay agagaarka Isgoyska Banaadir ee degmada Hodan

Sida ay sheegayaan wararka Sawir Qaade Feysal Cumar ayaa gaarigi uu watay uu qarxay, xilli uu ka degay.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in gaariga oo ahaa kuwa raaxada uu Sawir Qaadaha ka degay, ka hor inta uusan qarxin, waxaana la sheegay inuu galay Farmashiye uu ka iibsanayay Kaniiniyaal.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Gaariga uu watay Wariyaha uu u muuqda mid qaraxa miino looga soo xiray meel kale.

Feysal Cumar ayaa ka mid ah sawir qaadayaasha u shaqeeyay Wakaaladaha wararka Caalamiga ee halista u geliya naftooda sawirada laga soo qaado goobaha qatarta ka jiraan, waxaana dhowr jeer uu ka bad baaday qaraxyo ka dhacay Muqdisho, xilli uu ku guda jiray sawir qaadis.

Qaraxyada lagu xiro gaadiidka ayaa ku soo badanayay magaalada Muqdisho, waxayna ka mid noqdeen dilalka qorsheysan ee lagu dilo shaqsiyaadka kala duwan.

Dhowaan ayay aheyd markii Qarax loogu xiray gaarigiisa Farsamayaan ka tirsan Telefishinka Universal uu ka soo gaaray dhaawac halis ah.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip