Musuqa mawjad hadda shidan: Fasiraad & falan-qayn !

0
Tuesday April 18, 2017 - 19:41:48 in Maqaallo by
  • Visits: 1152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musuqa mawjad hadda shidan: Fasiraad & falan-qayn !

    Madaxda Dowladda Soomaaliya sida Madaxweynaha iyo Ra'isul wasaaraha ayaa tilmaamay in Musuqa uu Qatar ku yahay jiritaanka iyo dawlad wanaaga ayna adag tahay in hay'adaha dawlada lala xisaabtamo haddii aan loola dagaalamin Musuqa, wuxuu kami

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda Dowladda Soomaaliya sida Madaxweynaha iyo Ra'isul wasaaraha ayaa tilmaamay in Musuqa uu Qatar ku yahay jiritaanka iyo dawlad wanaaga ayna adag tahay in hay'adaha dawlada lala xisaabtamo haddii aan loola dagaalamin Musuqa, wuxuu kamid yahay seddex waxyaabood oo dawlada Cusubi ka go'an tahay in ay la dagaalanto sida Al-Shabaab, Musuq-maasuqa iyo Faqriga.

Musuq wuu jiraa iyo ma jiro ma ahan waxa la’isku hayo ee si baahsan buu u jiraa waxaana daraasado dhawr ah oo la sameeyey baa kaalimaha hore ee dawladaha uga musuqa badan baan uga jirnaa, waxaa sidaas ku qiray khudbadihiisa oo uu bishan April jeediyey madaxweyne Farmajo.

Bile C/raxmaan Tubey, waa arday darajada labaad, Maamulka iyo maareynta ku diyaarinaya jaamacad ku taalo Columbus ee dalka Mareykanka, wuxuuna aaminsan yahay in Musuqa uu la dagay dalkan, wuxuuna ku talinayaa in la dhisi hay’ado la dagaalamo.

"Soomaliya musuqa ka jira wuxuu ku milmay jirka beni’aadamka, dhiiga iyo lafaha ayuu galay, adeeg kasta oo nolosha ayuu saameeyey, waxaan qabaa in hay’ad dawli oo gaar ah loo sameeyo kana hortagta ama la dagaalanka Musuq-maasuqa, waana in sidoo kale la dhisaa hay’ado dhanka sharciga iyo ciidamo fuliyo arrintaasi”, Bile ayaa sidaa yiri.

Hay’add dawladeed, mid ganacsi ama shaqsiba waxa ay aad uga celceliyaan in ay wax ka qabanayaan meelaha ay ka liitaan(Weakness) halka kuwa kalena ay qariyaan.

"Dawladda waxa ay ku cel-celinaysa in ay wax ka qabanaysa Musuqa ama amaanka oo ah meelaha culayska uu ka haysto, shirkadaha waaweyn ee ganacsiga waxa ay kuu sheegayaan in wax ka qabanayaa daryeelka macaamiisha ama xiriirka dadweynaha waa halka laga haysto, halka garoob ay isku kaa sheegto in ay gabar tahay iyadoo ku celcelisa in ay gabar tahay, waxaana ay qarinaysaa garoobnimada oo u aragta ceeb, waa meelaha ay ka liitaan dhamaan”, Waxaa sidaas dood ku falan-qaynay aniga nin aan saaxiibo nahay oo u dhaq-dhaqaaqa nabbadda iy hurumarinta adeegyada bulshada oo la yiraahdo Maxamed Maxamuud Ducaale.

Madaxda dawladaha Africa badidooda ayaa afarta sano ama waxa ka badan ee ay hayaan xafiiska madaxtinimo ay fursadaha shaqo iyo xilba ay siiyaan kuwa qabiilka la ah ama qaraabada ah halka marka la bedelo uu isna dhaqankaas oo kale uu ku kacayo kan kale ee ka dambeeyo uuna soo urur-sanayo kuwa ku haybta la ah ama xisbiga ah.

Soomaaliya waxa uu musuqa ka galay adeegyada dawladda guud ahaan, caafimaadka, waxbarashada, biyaha, korontada, isgaar-siinta iyo cuntada, waxaana isku larmay adeegyada danta guud iyo danta gaar ahaaneed iyadoo mudnaanta la siiyo tan gaarka oo leh faa’ido shaqsiyadeed(Musuq).

Mas’uul hayo xil qaran baa isbedelo ku samaynayo meesha loo magacaabay, iyadoo uu u danaynayo qabiilkiisa ama dadka saaxiibadiisa ah ee ay shaqada isku fahmi karaan uuna meesha ka cayrinayo kuwa uu u arko in aysan meesha ku haboonayn, balse layaabka waa inuu yiraahdo in uu "Musuqa la dagaalamayo”, marka waxaad isleedahay musuqa hadba sida loo fasirto miyaa?

Musuqa waa hab aan caadalad ahayn oo mas’uulka dawladeed uu u adeegsado awooda si xun oo faa’ido shaqsi ku jirta, laaluush, wax is daba marin, lacag lunsi.Musuqa wuxuu dadka qaar ka weeciyaa in waxa ay xaqa u leeyihiin u maraan hab aan sharci ahayn.

Si loo helo document-safar sida passport, adeeg caafimaad, waxbarasho ama arrimo kale waxaa la maraya wadda aan ahayn middii sharciga ahayd, mararka qaar weji garasho iyo laaluush badan ayaa lagu helaya haddii kale maalmo badan ayaa lagu lu go’a oo erayga ‘Beri’ oo isaga ma dhamaato ah baa loo adeegsadaa dadkii mudnaa in loo adeego.

Geba-gebo

Waxaa war wanagaasan oo lagu farxo ah in dawlada Soomaaliya si aan looga baran dawladihii iyada ka horeeyey ay ugaga hadlayso wax ka qabashada Musuq-maasuqa, waxaase iga talo ah in arrinkaasi ficil loo bedelo oo afka baarkiisa uusan noqon si albaaba badan oo dadweynaha ka xiran maanto oo uu beri uga furmo.

In guddi iyo hay’ad la dagaalama loo yeelo kuwaas oo aan la laalushi Karin, In wacyi gelin joogta ah kuna saabsan ololaha Musuqa lagu cirib tirayo la kordhiyo ayna wasaarada Warfaafinta iyo Hunuuninta Dadweynaha Hormuud ka noqoto. Waxan filaayo in laga gun gaari doona haddii loo guntada arrintan si wadajir ah oo niyad san loo wajaho.

XIGASHO:- SONNA




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip