FAALLO:- Wax ka bedelka Dastuurka Turkiga oo HAA loogu codeeyay

0
Monday April 17, 2017 - 20:47:01 in Maqaallo by
  • Visits: 1148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAALLO:- Wax ka bedelka Dastuurka Turkiga oo HAA loogu codeeyay

    Xisbiga talada haya ee dalka Turkiga ayaa ku guuleystay aftidi dastuurka wax looga badalayey ee shalay ka dhacday dalkaasi, taasi oo ka dhigan Turkiga uu u guuray habka ama nidaamka Madaxweynaha, halka uu markii hore uu ahaa in awoodda talada Dalka a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga talada haya ee dalka Turkiga ayaa ku guuleystay aftidi dastuurka wax looga badalayey ee shalay ka dhacday dalkaasi, taasi oo ka dhigan Turkiga uu u guuray habka ama nidaamka Madaxweynaha, halka uu markii hore uu ahaa in awoodda talada Dalka ay wada lahaayeen Barlamaanka iyo Raiisul-wasaaraha.

Guddiga Doorashooyinka ayaa xalay saqdi dhexe xaqiijiyey in 51 boqolkiiba shacabka Turkiga ay u codeeyeen in nidaamkii soo jireenka ahaa ee baarlamaaniga Turkiga laga dhigo mid Madaxweyne, halka dadka ka soo horjeeday ee mayada ah ugu codeysay ay heleen wax ka yar 49 boqolkiiba.

Ra’iisal wasaaraha dalka Turkiga Binali Yildrim ayaa ku dhowaaqay in aftidii laga qaaday shacabka Turkiga ay guul ku dhamaatay waxana awooda loo gacan geliyay Madaxweyne Erdogan, wuxuuna yiri: ‘Habka Madaxtooyada ayaa ku guuleystay doorashada iyadoo aan weli si rasmi ah loo shaacin natiijada rasmiga ah”.

Raiisul-wasaaraha oo la hadlayay dad gaaraya saddex kun oo ruux kuna sugnaa xarunta xisbiga cadaalada iyo horumarka ee Magaalada Ankara ayuu ku tilmaamay doorashada Ra’iisal wasaare Yildrim”Waa go’aan ay dadku gaareen,taariikhdeena dimuqraadiyadana bog cusub ayaa u furmay.”

Wakaalada wararka ee ay dowlada Turkigu maamusho ee Anadolu ayaa waxa ay sheegtay in 51.3 boqolkiiba ay u codeeyeen HAA halka 48.7 boqolkiiba ay u codeeyeen MAYA codadka la tiriyay oo gaaraya 99 boqolkiiba.

Madaxweyne Erdogan ayaa soo dhoweeyay natiijada isagoo ku tilmaamay "Go’aan Taariiqi ah”, aftidan ayaa haddii ay dhabowdo waxa ay siineysaa Madaxweyne Erdogan in uu xafiiska sii joogayo illaa laga gaarayo sanadka 2029-ka.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo la hadlaayay Taageeerayaashiisa oo isugu soo baxay Qasrigiisa ee Magaalada Istambuul ayaa yiri "Dadka u codeeyay HAA in loo wareego habka Madaxweynimada ay xaliyeen colaaddii jirsatay 200 ee sano, waxaana ku xalineynaa in aan u guurno nidaamka Madaxweyninimada”, isagoo cod dheer ku hadlaya ayaa waxa uu sheegay in arrintani ay calaamad weyn u tahay ilaalinta mustaqbalka Qaranka Dalka Turkiga, wuxuuna u mahadceliyay 25-ka Malyan ee u codeysay Haa.

Inkastoo Xisbiyada Mucaaradka ay ka soo horjeesteen Aftidaasi, ayaa waxaa la diidi karin ama la inkiri karin in si weyn uu u guuleystay Madaxweynaha hadda xilka haya, kaasoo awood u siinaya inuu Dalka laga maamulo Madaxtooyada, halka markii hore looga wada arrimi jiray Baarlamaanka iyo Raiisul-wasaaraha oo markaasi awood badan lahaa.

W/Q:- C/laahi Ruush




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip