Ku dhawaad 60 ruux oo Somali ah oo lagu xiray dalka Masar

0
Saturday September 05, 2015 - 10:08:29 in Wararka by
  • Visits: 1000
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku dhawaad 60 ruux oo Somali ah oo lagu xiray dalka Masar

    Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya dalka Masar ciidamada ammaanka dalkaasi, ayaa xabsiga dhigay ku dhawaad 60-ruux oo Somali ah, kuwaasi oo rabay inay doon ka racaan dalkaasi si ay u gaaraan Xeebaha dalka Talyaaniga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya dalka Masar ciidamada ammaanka dalkaasi, ayaa xabsiga dhigay ku dhawaad 60-ruux oo Somali ah, kuwaasi oo rabay inay doon ka racaan dalkaasi si ay u gaaraan Xeebaha dalka Talyaaniga.
Dadkaan oo doonaayay inay si sharcidaro ah uga ambabaxaan dalka Masar ayaa waxaa suuragashay inay gacanta ku soo dhigaan ciidamada ammaanka dalka Masar, waxaana la sheegay inay xiran yihiin iminka.

Warbaahinta ayaa tabinaysa tirada dadka inay gaarayaan ilaa 60-ruux oo Somali ah, waxaana laga qabtay Magaalada Alexandria ee dalka Masar, iminkana waa ay xiran yihiin.

Dowladda Masar ayaa sheegtay dadkaan maxkamad ay soo taagi doonto maadama dalkeeda ay ku galeen hab sharci darro ah waxaana dadkaan ay Masar ka galeen dhinaca wadanka Sudaan.


Somali badan oo u tahriibta dalalka Yurubta, ayaa waayahan dambe waxa ay isku dayayaan inay dhanka Masar doon ka raacaan si ay badda uga gudbaan, kadibna Xeebaha dalka Talyaaniga ay sidaasi ku gaaraan.

Dowladda Masar waxa ay isku dayaysaa inay xakameyso Somalida tahriibka ah ee doonaysa inay dalkeeda ka dhoofaan, maadaama Masar ay ka mid tahay dalalka dagaalka adag kula jira tahriibka.

Kumanaan ruux ayaa ku geeriyooday badda qatarta badan ee u dhaxeysa dalalka Libya iyo Talyaaniga, kadib markii ay la dagtay doomihii ay saarnaayeen dadkaasi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip