Xildhibaanimada Soomaaliya oo Dhaxal Noqotey.

0
Monday November 16, 2015 - 22:11:41 in Maqaallo by
  • Visits: 1287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanimada Soomaaliya oo Dhaxal Noqotey.

    Ummadu waa ka wada dheregsdan tahay Sida mar waliba ay ku yimaadaan Xildhiaanada Baarlamaanka laga soo bilaabo Waagii Carta ilaa Dowlada Xasan Shiikh, waxaa la yaab leh in qaar ka mid ah Xildhibaanada ay kursigaas ku fadhiyaan muudo 16 Sanno ku dhawa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ummadu waa ka wada dheregsdan tahay Sida mar waliba ay ku yimaadaan Xildhiaanada Baarlamaanka laga soo bilaabo Waagii Carta ilaa Dowlada Xasan Shiikh, waxaa la yaab leh in qaar ka mid ah Xildhibaanada ay kursigaas ku fadhiyaan muudo 16 Sanno ku dhawaad ah, waxaana la isweydiiyaa waxa ku dhacay Siyaasiyiinta iyo aqoonyahaniinta kale ee beeshu leedahay, mararka qaar Xildhibaanada waxaaba la isugu daraa Wasiirnimo waxaana dhacda in uu sii raadiyo Xil kale. Dad baa inta badan waxay ku celcreliyaan in nidaamka awood qaybsiga 4.5 meesha laga saaro, waxaana la ogyahay in 4.5 aysan qolo kaliya ku dulmanayn, nin la weydiiyey in Sannadka soo socda uu qalqaalsado Xildhibaan maadaama Doorsahooyin soo dhow yihiin? intuu Cirka eegey ayuu yiri "Aad baan u daneynayaa in aan noqdo Xildhibaan laakiin Beesheenna Dhexdeeda waxa ka jira nidaamka 4.5 oo waan ku dulmanahay marka walaal waa igu adag tahay in aan Xildhiaan helo” waxaa uu ii sii dabadhigey

Somaliya

"laga soo bilaabo Dowladii Carta , tii Cabdulaahi Yuusuf , tii Shiikh Shariif iyo mida haatan uu hogaamiyo Xasan Shiikh Rag beesheena ka tirsan baa kursigii Xildhibaanimo Lixle ku haysta marka ma xeer baa, ma xaq baa in ruux uu muddo 16 sano uu Xildhibaan ahaado? waxaan iska suganayaa inta ay ka imaaneyso Doorasho Cadaalad ah ONE PERSAN ONE VOTE”

Nin sheekada Sheeda kala socdey ayaa yiri "Mararka qaar waan u garaaabaa beelaha ku dhex dulman beelaha kale oo sameysta Ugaas waayo Ugaaskii ay is lahaayeen Cadaalad buu idiin sameyn doonno ayaa mar waliba Xagliya oo rag Kilkisha ku wata, marka maxaa diidaya in beelahaas ay Toloobaan oo Ugaas u gaar ah sameystaan.

Nin kalaa soo boodey wuxuuna yiri " Waxaad ka hadleysaan Xildhibaan aan dhicin, aniga taas waxaa iiga daran Xilkii Xildhibaan ee beesha ka wada dhexeeyey in uu isu bedelo Dhaxaltooyo fiiri Shariif Xasan kursigiisii waxaa uu ku wareejiyey Wiilkiisa, Bashiir Goobe inta uu walaakiis u dhiibto ayuu dib ugu soo laabtaa mar waliba waxaa uu sugayaa in Xilka uu hayo laga qaado, Xasan Abshir waxaa uu Xilkii ku wareejiyey Wiilkiisii, Xuseen Baatuu oo dhintey waxaa Xilkiisii dhaxley Walaakiis markii la diley Walaakiisiina waxaa la ii sheegey in ruux kale oo walaakisia uu u sharaxan yahay, Maxamed Qanyare waxaa uu maalin Caddey ku wareejiyey Xilkiisii Wiilkiisa, waxaa kaloo jira kuwa kale oo aan halkaan ku soo koobi Karin marka waxaan leeyahay Ilaahow Cadaalad noo keen”

Nin kale oo odey ah ayaa yiri " Aniga waan taageersanahay in Xilkii Xildhibaanka uu noqdo Dhaxal, waayo markii hore ayuu Kursigaas meel fagaaro ah ku iibsadey marka maxaa diidaya in Wiilkiisa ama Walaakiis uu ku wareejiyo marka ay Xaajaadu ku xumaato ama uu ka dardaarmo, waxaa kaloo jira in dharaar cad la kala iibsado kursiga Xildhibaanimo”

Ugu Dambeyntii Nin Dhalinyaro ah ayaa isa soo mutaxay oo yiri "in Xildhibaanimadu Dhaxal noqoto waxaa Masuuliyadeeda iska leh Hogaanka Baarlamaanka oo yac iska oran waayey kuwa Dhaxalka ka dhigey Xilkii Ummada ka wada dhexeeyey waxaa ka sii daran in Dastuurkaba ku oolin qaabka uu Xildhibaan ku imaanayo ama uu ku badelayo Xildhibaan kale.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

xigasho :- somaliweyn.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip