Ar waabta naga dhaafa ee aan Geedka hoostiisa arrinteena ku dhameeyno!!!.

0
Wednesday April 05, 2017 - 15:22:48 in Maqaallo by
  • Visits: 1061
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ar waabta naga dhaafa ee aan Geedka hoostiisa arrinteena ku dhameeyno!!!.

    Waxaan maqli jiray xarunta UN ee magaalada Newyork in sannadkiiba mar ay ku shiraan madaxweynayaasha aduunku, khudbado ka jeediyaan, loogana hadlo maslaxadda caalamka.waxaan u heeystay meel labada shir dhaxdooda ay ka socoto howl joogta ah, sidii loo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan maqli jiray xarunta UN ee magaalada Newyork in sannadkiiba mar ay ku shiraan madaxweynayaasha aduunku, khudbado ka jeediyaan, loogana hadlo maslaxadda caalamka.waxaan u heeystay meel labada shir dhaxdooda ay ka socoto howl joogta ah, sidii loo fulin lahaa wixii sanadkii hore laga hadlay.

Waan khaldanaa, markii aan tagay waabtii oo dhowr qof ay isga fadhi ku dirirayaan, wixii laga hadlayna ay ahaayeen ka dhageeysta martida ,laakin qorshaha meel kale oo aan la aqoon laga wado.


Markii aan xaruntaa tagayay kama socon dowlad, mana aheeyn shaqaale UN oo weligeeyba ma noqon shaqaale UN, waxaan iska dhigayay aqoon yahay camal, waxaan ahaa shaqsi feker la fiican wata, laakin aan laga dhageeyseeyn ,Jac maahinoo?, xalaal caleeyk!.
Intii aan somaliya joogay waxaan la kulmay inta badan wakiilada waabta, sida Mr. Lanaba kiyote, cismat gitaani, vector gbeho,walad cabdala, iyo kuwa kale illa kan hada jooga Michael Keating. Fiiri sawirada.
Aniga oo maraya meel u dhaw K4- Moadishu ayaa qof haween ah oo Af ingriis ku hadlee i soo wacday,yaxye miyaa ayeey igu tiri,Haa ayaan ku iri, waxa ay igu tiri waxaan ahay kaaliyaha Michael Keating, waxa uu rabaa in uu kula kulmo. Maanta ama berri ,aniga oo ismacneeynayo ayaan ku iri: Afar maalin kadib, maalinta jimcaha bacda Salaat ayaan firaaqo ahay, runtii wax howl ahna malaheeyn, i sug ayeey tiri: wax yar kadib ayeey isoo wacday oo igu tiri :Ok, Madiina gate-Xalane ayaa laguugu sugayaa.
Waan tagay. Gabar da’yar oo dhiig Hindi ku jiro ayaa iigu timid. Kaar aqoonsi ah ayaa la i siiyay, Waan israacnay,waxaan tagany xafiiska Michael Keating waxaa la joogay laba ruux oo midi haween tahay, runtii si wanaagsan ayuu ii soo dhaweeyay,shaah ayuu gacantiisa iigu diyaariyay. Waxa uu igu yiri: waan ku cusubahay somaliya mar dhaw ayaan xilka la wareegay waxaan kaa rabaa talo.
Waxaan ku iri: maxumee,horta yaa magaceeyga ku siiyay, si aan u ogaado halka la iga soo galay, waxa uu igu yiri: Nin professor ah oo wax ka dhiga jaamacad ku taal Norway. Waan fahmay, sheeka dheer kadib waxaan ku iri: koleeyba howl laguu soo diray ayaad fulinee,sidii aad u fulin laheedna waa lagu soo siiyay. Hal saac iyo bar kadib, Waxa uu ku soo gabagabeeyay , adigu hadda yaad la talisaa, waxaan ku iri: shaqa doon ma ihi, siyaasiyiinteenana rag kale oo ruug cadaa ah ayaa la taliyo, waxa uu yiri: mar kale hadii aan kuu baahdo maku arki karaa. Waxaan ku iri : somaliyaa kugu cusub hadda xeebta ayaad taagantahay, haddii aad arrimaha somaliya dhax gasho, mar dambe ima soo xasuusaneeysid. Sidii ayaana dhacday dib dambe isuma aray, xamar ayuu ku simbiririxday.
Somaaliyeey waaya aragnimadeeyda yar hadaan ka hadlo, waabta iyo wakiiladeedu dabcan dano ayeey leeyihiin, marka ay yimaadaan iyaga oo naga sugaya in aan u sheegno danteena , ayeey la kulmaan madax leh,macallin talo waa adiga,oo aan wadan mabaadii’ iyo qorsha ku saleeysan waxa aan rabno wixii ka duwanna aan diidi karno ama wax ka badali karno, arrin lagala tashaday ummadda.
Somaaliyeey maalin hore waxaan soo qoray in waabta arrinteena looga hadlayo weliba dhinaca ciidanka naloo ogolyahay in aan yeelano tiradiisa,loona baahan yahay in khubaro farsamada yaqaan loo diro,taasu ma dhicin,waxaan maqlay in teleconference lagula xariiray si guud oo kaliya. Hadda waxaan maqlayay in shir uu London ka dhacayo, loogana hadlayo arrimaheena, anaguna aan ku mashquulnay yaa nooga qayb galayo, waxaan naxay markii aan ogaaday iska daa agendaha laga hadlayo ee xatta go’aanada sharkaa ka soo bixi doona in ay haddaba qorayaan koox ka socota afar wadan oo haddaba uu gunaanad yahay Nairobina ay joogaan, anaga oowday taladii aan ku laheeyn,ka soo qayb gala miyaa nalagu maaweelinayaa arrin dhamaaday.
Intii aan xal ka sugi laheeyn ummada kale,walaalayaal ameey fiicantahay in aan anaga oo isku kalsoon, isku uur fiyoow aan geedka hoostiisa,si wada jir ah arrinteena aan ku dhameeysano.
FG. Ha u qaadan in aan is xayeeysiinayo oon iska dhigayo qof wax og, anaa huba aqoonteeyda iyo waaya aragnimadeeyduba in ay aad u yar yihiin, ha u qaadan in aan madaxdeena dhaliilayo, wax in la xasuusiyo ma xuma. iyga raali ahaaw intaan ka badan,haddan qoro waxaan ka baqaa in aad waqti aad ku aqriso u weeydo ama aniga camal aad calool xumaato.
Qore: Yahya Amir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip