DABA-GAL: Ninkii geysta weerarka London oo xog cusub laga helay- (Akhriso)

0
Saturday March 25, 2017 - 10:50:53 in Wararka by
  • Visits: 402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DABA-GAL: Ninkii geysta weerarka London oo xog cusub laga helay- (Akhriso)

    Iyada oo ay socdaan baaritaanno lagu raadinayo xog ku saabsan ninkii ka dambeyay weerar dhawaan ka dhacay magaalada London, ayaa waxaa hadda la helay xog cusub oo ku saabsan ninkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyada oo ay socdaan baaritaanno lagu raadinayo xog ku saabsan ninkii ka dambeyay weerar dhawaan ka dhacay magaalada London, ayaa waxaa hadda la helay xog cusub oo ku saabsan ninkaas.

Booliska Ingariiska ayaa u yeeray qof kasta oo aqoon hore u leh ninka ka dambeeyay weerarka ka dhacay halka lagu magacaabo Westminster ee ka tirsan London.

Baarayaasha ka tirsan Booliska ayaa sheegay inn in ay danaynayaan helitaanka xogo dheeraad ah, oo ku saabsan shakhsiyadda Khaalid, iyo goobihii uu joogi jiray.

Uruurinta xogaha ku saabsan ninkaas ayaa illaa iyo hadda waxaa lagu ogaaday in Khaalid Mascuud uu waqti ka mid ah 2008 ku sugnaa dalka boqortooyada Sucuudiga, halkas oo uu ka shaqaynayay.

Khaalid Mascuud ayaa waxa uu gaari ku jiiray dad badan oo marayay buundada Westminster, isaga oo dhaawacay 50 qof, kuwaas oo 31 ka mid ah ay hadda jiifaan isbitaalka.

Intii uu weerarku socday, waxa uu fuliyaha weerarku mindi ku dooxay askari Boolis ah oo ku sugnaa agagaarka Baarlamanka London.

Booliska ayaa laga soo xigtay in la qabtay laba nin oo kale, oo lagu tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin weerarka.

Natiijooyinka baaritaannada socda ayaa waxaa lagu helay war sheegaya in fuliyaha weerarka uu ahaa nin Booliska agtooda caan ka ah, kaas oo isticmaali jiray magacyo tiro badan, in kasta oo magaciisa dhabta ah uu ahaa Adrian Rasal Ajod.

Ku-xigeenka taliyaha Booliska London ayaa tilmaamay in arrimaha barista socota diiradda lagu saarayo ay ugu muhiimsan yihiin ogaashaha wixii fulliyaha weerarkan ku kalifay falkaas uu sameeyay, iyo in ay jiraan dad arrintaas ku dhiirrigeliyay, kuna caawiyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip