Xildhibaan u dhashay dalka Hindiya, oo lagu magacaabo Ravindra Gaikwad, ayaa lagu eedeeyay in uu si xun u garaacay qof shaqaale ka ahaa mid ka mida diyaaradaha shirkadda Air India, xilli ay diyaaraddu duulimaad isku diyaarineysay.
Waxaa lagu eedeeyay xildhibaankan in qofka shaqaalaha ah uu ku garaacay kabo uu watay, ka dib markii uu ka carooday in uu boos ka waayay kuraasta qeybaha hore ee loogu talogalay dadka muhiimka ah (VIP).
Shirkadda diyaaradaha Air India ayaa dacwad ka gudbisay xildhibaankan sida xun u garaacay mid ka mid ah shaqaalahooda, waxa ayna shirkaddu sheegtay in xildhibaanka uu in ka badan 20 jeer shaqaalaha ku garaacay kob uu watay.
War kasoo baxay shirkadda ayaa -sidaas oo kale- lagu sheegay in xildhibaanka laga mamnuucay in uu ku safro diyaaradaha ay leedahay shirkadda Air India; iyo in uu ku safro dhammaan duulimaadyada raacsan isutagga diyaaradaha FIA.
Shirakadaha la caddeeyay in xildhibaanka laga mamnuucay in uu ku safro waxaa ka mid ah Shirakadaha IndiGo, Go Air, Spice Jet iyo Jet Airways. Shirkadahan ayaa iyagana waxa ay booliska ugu baaqeen in tallaabo adag laga qaado xildhibaanka gefka geystay.
Xildhibaan dad dhibaateeyay oo go'aan adag laga gaaray