Olole xooggan oo codka kalsoonida loogu raadinayo Xukuumadda cusub oo bilowday

0
Saturday March 25, 2017 - 10:37:01 in Wararka by
  • Visits: 449
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Olole xooggan oo codka kalsoonida loogu raadinayo Xukuumadda cusub oo bilowday

    Iyadoo todobaadkan gudihiisa lagu wado in Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu Golihiisa Wasiirada cusub hor-geeyo Baarlamaanka ayaa waxaa bilowday olole codka kalsoonida loogu raadinayo Xukuumadda cusub, si Baarlamaanka u ansixiyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo todobaadkan gudihiisa lagu wado in Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu Golihiisa Wasiirada cusub hor-geeyo Baarlamaanka ayaa waxaa bilowday olole codka kalsoonida loogu raadinayo Xukuumadda cusub, si Baarlamaanka u ansixiyo.

lo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya inuu socdo kulamo looga arrinsanayo sidii Xukuumadda codka kalsoonida loo siin lahaa, waxaana socda dadaalo weyn oo gudaha iyo dibadaba ah.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa khamiistii la soo dhaafay kulan albaabada u xiran la qaatay Wasiirada uu soo magacaabay, isagoo u jeediyay inay kalsoonida ka raadsadaan Xildhibaanada oo ay shaqsi shaqsi iyo beel beel ula kulmaan.

Wasiirada cusub ee magacaaban ayaa bilaabay inay kulamo la yeeshaan Xildhibaanada ay isku heybta yihiin, iyagoo ka dalbanaya in codka kalsoonida la siiyo, si Xukuumadda cusub ay fursad ugu hesho wax ka qabashada xaalada uu dalka ku sugan yahay.

Xildhibaanada qaar ayaa aqbalay soo jeedinta iyo codsiga Wasiirada, waxaana hoos u dhaca guuxii ka soo baxayay Xildhibaanada ee ku aadanaa in aan la meel marin Xukuumadda cusub.

Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya inhoos u dhac ku yimid xildhibaanadii isu baheysanayay qorshayaasha ka dhanka ah Xukuumadda iyo qaraarkii ay ka diyaarinayeen, waxaana lagu guuleystay in illaa iyo xad la qanciyo Xildhibaanada kacsanaa.

Xildhibaanada qaar ee qeybta ka ahaa ololaha ka dhanka ah Xukuumadda cusub ayaa ku doodaya in habka awood qeybsiga ee lagu saleeyay Golaha Wasiirada ay tahay mid aan sax aheyn, sidaas darteed ay doonayaan in dib loogu noqdo dhismaha Xukuumadda.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa la sheegayaa in qorshaha iyo guuxa Xildhibaanada uga soo hor-jeedaan Xukuumadda cusub ay qeyb ka yihiin, waxaana Guddoonka cadaadis uga imaanayaa Beesha Caalamka.

Sidoo kale ololaha kalsooni siinta Xukuumadda ayaa waxaa qeyb ka ah wakiilada Beesha caalamka oo doonaya in Xukuumadda cusub la meel mariyo, si aanay dib u dhacyo hor-leh ugu imaan howlaha sugaya dowladda cusub.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelanayay wakiilada beesha Caalamka, iyadoo laga dalbanayay in Xukuumadda la meel mariyo.

Todobaadka gudihiisa ayaa lagu wadaa in Baarlamaanka la hor-geeyo Golaha Wasiirada cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre 21-kii bishan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip