Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan XAMAAS Oo Lagu Dilay Marinka Qasa..

0
Saturday March 25, 2017 - 10:26:24 in Wararka by
  • Visits: 417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan XAMAAS Oo Lagu Dilay Marinka Qasa..

    Boliska XAMAAS ayaa sheegay in Maasin Fuqaha lagu toogtay meel ku dhow Gurigiisa oo ku yaalla Marinka Qasa, waxaana lagu eedeeyey Yuhuudda inay ka dambeeyeen dilkiisa oo loo adeegsaday bistooladaha aan shanqarta lahayn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boliska XAMAAS ayaa sheegay in Maasin Fuqaha lagu toogtay meel ku dhow Gurigiisa oo ku yaalla Marinka Qasa, waxaana lagu eedeeyey Yuhuudda inay ka dambeeyeen dilkiisa oo loo adeegsaday bistooladaha aan shanqarta lahayn.

Maasin Fuqaha oo 38 jir ahaa waxa uu ka mid ahaa in ka badan 1,000 Maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ay Yuhuudda sii daayeen sannadkii 2011-kii, kuwaasi oo ay Yuhuudda ku bedelatay Askari ay XAMAAAS hayeen ee Gilaad Shaliid.

Ku-xigeenka Hoggaamiyaha XAMAAS ee Marunka Qasa, Khaliil Al-xaya ayaa sheegay inay Yuhuudda ka shalayn doonaan dilka Maasin Fuqaha

Dhinaca kale, Afhayeenad u hadashay Boliska Yuhuuda ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho dilka Marxumkaasi.

Kumanaan Falastiiniyiin ah ayaa la filayaa inay maanta ka qeyb galaan Munaasabadda lagu aasayo Sarkaalkaasi lagu dilay Marinka Qasa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip