DHAGEYSO: Amaro lagu soo rogay Ganacsatada Baydhabo

0
Saturday March 25, 2017 - 09:47:33 in Wararka by
  • Visits: 430
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHAGEYSO: Amaro lagu soo rogay Ganacsatada Baydhabo

    Taliska Booliska Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa amaro ku soo rogay Ganacsatada ku nool Magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Booliska Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa amaro ku soo rogay Ganacsatada ku nool Magaaladaasi.

Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Baydhabo Korneel Mahad C/raxmaanAadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Booliska in uu yahay Canshuur ilaaliye, sharci ilaaliye iyo Dhibaato ilaaiye loona baahan yahay in lala shaqeeyo.

Waxa uu sheegay cid kasta oo Baydhabo Ganacsi ku leh, in looga baahan yahay warqadda Canshuur qaadista, cidii aanwarqadaas heysana in aysan ku ganacsaneyn Magaalada Baydhabo.

Sidoo kaleKorneel Mahad C/raxmaanAadanTaliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Baydhabo ayaa sheegay canshuurta in ay anfaceyso Qof walba iyo caruurta uu dhalay.

Waxa uu ugu baaqay Ganacsatada Baydhabo inta aan loo imaan in ay soo jartaan warqadda canshuur qaadista, cidii aan sidaas sameyna talaabo adag laga qaadi doono.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku yaalla shirkado waa weyn oo ka shaqeeya qeybaha kala duwan ee Ganacsiga, waxaana arintan hada Booliska ka soo yeertay ay noqoneysaa mid dhaxalgal u ah Ganacsatada, maadaama hadii Canshuurtii la bixiyowadadii saxda aheydloo isticmaalo ay ka qeyb qaadaneyso dib u dhiska dalka.

Audio Player
 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip