Madaxweyne Farmaajo oo sheegay caddaalad daro inay dalka ka jirto
Farmaajo, ayaa sheegay caddaalad darada raagtay ee dalka ka jirta inay sabab u noqotay in Somaliya intaan oo sano ay ku jirto dhibaatooyin kala duwan oo dhinacyo badan saameyn ku yeeshay.
"Dalkaan wuxuu la bur buray oo colaada na haysata iyo qabyaalada waxaa na gaarsiiyay waa caddaalada darada ka jirta Somaliya ee mudada fog raagtay.” Ayuu yiri Farmaajo.
Madaxweynaha ayaa balan qaaday shaqsi ka mid ah Dowladiisa inuusan ku kici karin falal musuq maasuq ah, waxaana uu u balan qaaday ganacsatada Somaliyed ee dalka Kenya, lacagaha ay ku taageeraan abaaraha in aanan la musuq maasuqi doonin.
Madaxweynaha waxa kale uu sheegay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya uu kula balamay saddex arimood oo kala ah la dagaalanka Musuqa, ka fogaanshaha isku dhaca Madaxda dowladda iyo dalka iyo dadka in si cadaalad ah loogu shaqeeyo.
Farmaajo ayaa sheegay in Golaha Wasiirada Somaliya aanan lagu soo xulin hanaan qabyaalad ku saleysan, Wasiir kastaana uu kula balamay Wasaarada uu joogo inuu si dhab ah uga shaqeeyo, halkaasina uu ku matalo Somali ah oo dhan, balse uusan ku matalin qabiil gaar ah.
Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa kula dar daarmay ganacsatada Somaliyed inay muujiyaan taageerada ay u hayaan dowladda Federalka Somaliya oo iminka curdun ah.
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay caddaalad daro inay dalka ka jirto
Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay Ganacsatada Somaliyed, ayaa sheegay dhibaatada raagtay ee ka taagan dalka Somaliya inay sabab u tahay caddaalad daro dalka ka jirta.