Madaxweynaha Dalka Nigeria iyo ku Xigeenkiisa Osinbajo oo soo Bandhigay Hantida ay Haystaan

0
Friday September 04, 2015 - 18:45:16 in Wararka by
  • Visits: 1075
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Dalka Nigeria iyo ku Xigeenkiisa Osinbajo oo soo Bandhigay Hantida ay Haystaan

    Madaxweynaha dalka Nigeria, Mohammadu Buhari iyo ku xigeenkiisa, Yemi Osinbajo ayaa soo bandhigay hantida ay xilligan haystaan, taasoo la sheegay inay qayb ka tahay la dagaalanka Musuq-maasuqa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Nigeria, Mohammadu Buhari iyo ku xigeenkiisa, Yemi Osinbajo ayaa soo bandhigay hantida ay xilligan haystaan, taasoo la sheegay inay qayb ka tahay la dagaalanka Musuq-maasuqa.
                Buhari ayaa xusay inuu leeyahay shan guri, laba qol oo cariish ah, xoolo nool iyo 150,000 oo Doollarka Mareykanka ah oo u taalla Bangiga, isagoo Xusay in Qorshahan uu Qayb ka yahay qorshayaasha ay kula dagaalamayaan Musuqa ka jira dalkiisa.

                     Sidoo kale, Mohammedu Buhari oo 72-jir ah ayaa horay dalka Nigeria Afgambi ciidan ugu qabsaday, inkastoo Sannadkan 2015-ka si xor ah loogu doortay mar kale xilka Madaxnimo ee Nigeria, xilligaasoo uu ballan-qaaday inuu Xoogga saarayo sidii uu ula dagaallami lahaa musuqmaasuqa, xilli sannadihii lasoo dhaafay la sheegay in $150 bilyan la lunsaday.

                       Afhayeenka Buhari oo lagu magacaabo, Garba Shehu ayaa sheegay inuu si cad u soo ban-dhigay hantidiisa, iyadoo hantida uu haysto Mohammedu Buhari ay aad uga badan tahay tan uu hayso madaxweyne ku xigeenkiisa.

                    Warbixin uu Madaxweynaha Nigeria soo bandhigay Khamiistii shalay ahayd ayaa Waxaa ku xusan inuu leeyahay beero waaweyn oo lagu Xannaaneeyo 270 Neef oo lo’ ah, 25 neef oo ido ah, shan faras iyo shimbiro kala duwan.

                  "Dukumiintiga Madaxweynuhu ku caddeeyay hantida uu leeyahay waxaa si rasmi ah loogu gudbiyay guddiga ilaalinta hantida Qaranka, tanina waa qayb ka mid ah ballanqaadyadii uu sameeyay markii xilka loo dhaariyay 29-kii May, 2015. Sidoo kale Buhari wuxuu leeyahay hal xisaab-bangi oo keliya,” ayuu yiri, Shehu.

                      Garba Shehu Wuxuu intaas ku daray in Qorshahan uu yahay mid lagu hubinayo hantida ay haystaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku Xigeenka Nirgeria si ay Shacabku Wax uga ogaadaan Hantidooda.

                 Dhanka kale, Madaxweyne ku Xigeenka Dalka Nigeria, Yemi Osinbajo ayaa la sheegay in uu isagana haysto lacag gaaraysa 1.4-Milyan oo doollarka Mareykanka ah, taas oo aad uga badan hantida Madaxweyne Buhari u taalla Bagiga.

                     Ugu dambeyn, Osinbajo ayaa la sheegay inuu saddex guri ku leeyahay dalka Nigeria, sidoo kalena uu laba Guri oo uu Amaah ahaan ku gaatay uu ku leeyahay Bedford oo ah Magaalo 50-mayl u jirgta Magaalada London ee Xarunta Dalka Britian.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip