MAQAAL: WAX KA BARO NOOCYADA BOOQASHOOYINKA:

0
Thursday March 23, 2017 - 13:52:24 in Maqaallo by
  • Visits: 1227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAQAAL: WAX KA BARO NOOCYADA BOOQASHOOYINKA:

    Noocyada booqashooyinka heer madaxeed dunida waxaa loo qaybiyaa sadex nooc, sida ku cad xeerka Maamuusyada caalamiga ah:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Noocyada booqashooyinka heer madaxeed dunida waxaa loo qaybiyaa sadex nooc, sida ku cad xeerka Maamuusyada caalamiga ah:

1.Booqasho heer Dawladeed .

2.Booqasho Shaqo (booqasho rasmi ah).
3.booqasho gaar ah.

https://twitter.com/TheVillaSomalia/status/844579136601538565/photo/1

1. #Booqasho heer Dawladeed waa midda ugu saraysa ee Madax loo fidiyo , waxay ka bilaabanaysaa Casumaad rasmi ah uu u fudiyo hogaamiyaha dalka ugu sareeya dhigiisa la marti qaadaayo.

Dunida oo idil waxay si guud uga midaysantahay in marti qaadka noocaan oo kale ah hal mar oo qura uu yahay halkii xilli xukun, yacni in madaxwayne laba jeer uusan marti qaadka noocaan oo kale ah u samayn madaxwayne kale hal kii xilli xukun.

Ka hor safarka Madaxwayanha Labada dawladood waxay isla qeexaan hab maamuska , sugidda Ammaanka , tirada wafdiga , shaxda kulamada iyo goobaha booqashada , si 100% loo ilaaliyo baratakool-ka ama hab Maamuuska waana ceeb in madaxwaynaha la marti qaaday ama kan wax marti qaaday ay hareer maraan baratakoolka degsan.

Mudada uu joogo madaxwaynaha martida ah waxaa la dajiyaa mid ka mid ah qasriyada hooy-ga u ah Madaxwaynaha marti qaadka fidiyey sidoo kale waxaa loo sameeya qado ama casha sharaf .kulamo isbarasho uu layeelanaayo saraakiisha ugu saraysa dalka , sidoo kale waxaa jira goobo horay loosoo qorsheeyey oo booqasho lagu geeyo , inta badan goobahaasi waxay ka tarjumaan taariikhda ka dhaxaysa labada dal , goobo astaamo faana u ah dalka martida loo yahay , ama xarunta baarlamaanka oo mararka qaar kalmad uu ka jeediyo Madaxwaynaha martida ah.

Gaba gabadii waxaa xusid mudan in madaxwaynaha la marti qaaday uu soo dhaweeyo hogaanka ugu sareeya dalka marti qaaday , waxaana garoonka loo dhigaa roog casaan ah oo dhererkiisu yahay 50Mtr iyadoo loorido 21 xabadood ama "madfac " haddii uu madaxwayne yahay , halka loo rido 19 xabadood "madfac " markii uu Raisul wasaare yahay .


sidoo kale sagootintu waxay leedahay habmaamus aad u sareeya oo siwayn loo ilaasho.

2. Booqasho shaqo.

Waa nooca labaad ee ugu sareeya booqashooyinka madaxda waxaana sidoo kale loo yaqaana booqasho rasmi ah , barnaamijka maamuska ama baratakoolka lagumadaro wax nasasho ah ama "baashaal ah " dhammaan waxay ku qotontaa hawla shaqo oo qura , sida ganacsiga , xiriirka labada dal IWM ah , labada dhinac waxay kala saxiixdaan inta badan heshiiyo ganacsi iyo kuwo is afgarad , khasab ma ahan in madaxwaynaha martida ah uu soo dhaweeyo masuulka ugu sareeya dalka sidoo kale wax madaafiic ah looma rido qado ama casho sharfeedkana waa la iska dayn karaa .
Roogga casaanka ah inta badan booqashooyinka waxa uu dhanyahay 25Mtr.

3. booqashada gaarka ah waa mid ay madaxdu u tagaan dalalka kale arimo u gaar ah oo aan khusayn labada dhinac sida in uu dhakhtar u tago , nasasho ama dalxiis , hawlo ganacsi oo u gaar ah Masuulka ,iyo saaxiibtinimo gaar ah .
hadaba booqashada noocaan ah malahan soo dhawayn heer qaran ah iyo ilaalinta baratakoolka ama hab maamuska waana midda kaliya ee aad arki karto madaxwynaha lasoo dhawaynaayey oo taleefan ku hadlaaya ama mashquulsan xiliga dadka soo dhawaynaayey ay sugaayaan.

#Dawladaha dunida iyagoo tixgalinaaya diblumaasiyadda iyo xiriirka wanaagga waxay iska dhisaan hogaamiyaasha ku yimaada booqashada gaarka ah waxaana loo dhigaa roog casaan ah oo aan dhererkiisu ka badnayn 10Mtr oo qura .

inagoo aan garasho u lahayn nooca safarka hadaan safarkasta uu madaxwayne baxo iska hadalno waa dhibaato , madaxwaynaha habka loo soo dhaweeyo iyo nooca safarkiisa ma fahmi karno , sidoo kale madaxwayne kasta xaq buu u leeyahay in uu safro waayo waa muwaadin duruufo caafimaad iyo dana kaleba oo u gaar ah ka yeelan kara dunida.

FG: Booqashada Farmaajo waa booqasho RASMI ah oo sidoo kale loo yaqaanno booqasho shaqo.

 

Maxamuud Bashiir.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip