Xildhibaan u hiili Danta Dalka iyo Dadka: Fadlan ha ansixin golaha wasiirada

0
Wednesday March 22, 2017 - 20:40:10 in Maqaallo by
  • Visits: 1617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan u hiili Danta Dalka iyo Dadka: Fadlan ha ansixin golaha wasiirada

    Soomaaliya dowlad cusub ayaa ka dhalatay 8dii bisha feebaraayo 2017; doorashada madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo waxay ahayd doorasho taariikhi ah, quluubta shacabka soomaaliyeed carruur iyo cirroole, Raaskambooni ilaa Raascasayr, ay ku faraxd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya dowlad cusub ayaa ka dhalatay 8dii bisha feebaraayo 2017; doorashada madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo waxay ahayd doorasho taariikhi ah, quluubta shacabka soomaaliyeed carruur iyo cirroole, Raaskambooni ilaa Raascasayr, ay ku faraxday indhahoodana ka ilmaysiisay, rejana ku abuurtay iyo himilo. Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxuu soo magacaabay R/wasaare Xassan Cali Kheyrre, oo ay labada gole ee Barlaamaanka shacabka soomaaliyeed si buuxda oo dhamaystiran ugu codeeyeen oo ku ansixiyeen.

Haddaba, R/wasaare Xassan Cali Kheyrre waxuu shalay, 21ka maarso 2017, ku dhawaaqay golahiisa wasiirada. Gole wasiirro oo ka kooban:

  • 26 wasiir
  • 26 wasiir-ku-xigeen
  • 15 wasiir dowle
  • Marka laysu geeyo, xukumad ka kooban 67 wasiir.

Ku dhawaaqidda xukumad ka kooban 67 wasiir, shacabka soomaaliyeed way niyad jebisay. Durba waxa u cad in halbeegiidanta dalka iyo dadkaee uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo shacabka ka balan qaaday uu meesha ka baxay isla markaasna uu R/wasaare Xassan Cali Kheyrre uu si cad oo qaawan u hareer maray. Sababaha waa sidan soo socota:

Dhowr wasaaradood ayaa la kala jar jaray oo wasaarad kasta waslad yar laga dhigay wasiir iyo wasiir-ku-xigeen na loo magacaabay. Kala jar jarkan halkii wasaarad ba dhowr loo qaybiyey waxaa ka dhalanaya saddex caqabadood oo waaweyn:

  1. Caqabad farsamo – tayo yari ku timaada shaqada wasaaradda iyo wasiirkeeda.
  2. Caqabad dhaqaale – wasaarado iyo mushahar wasiirro oo laga maarmi karo
  3. Caqabad qabiil – wasaaradaha la wasladeeyey waxa ay dhaawac ku tahay awood qaybsiga nidaamka qabiilka ee siyaasadda soomaaliya ku dhisan tahay; waxa ay abuuraysaa saluug, niyad jab, dacaayad, qas bulsho iyo shacab badan oo dowladda ka hor yimaadda. Halkan arrinta yaabka leh ee ku jirta waxa weeye; wasaaradaha waxaa loo badiyey, sida muuqata, in qabaa’ilka soomaaliyeed la qanciyo, laakiin qabaa’il badan ayaa hilib waslado ah loo qaybiyey saamigoodii awood qaybsiga siyaasadda dalkana la sagsaagay, taasna waxa laga dhaxlayaa natiijo ka duwan tan la filayo ee keentay in xukuman 67 wasiir ah la magacaabo. Sidoo kale waa xadgudub dastuurka iyo heshiiska bulshada maanta u yaala ilaa mid kale laga helayo. Durba iscasilaadda wasiirada iyo gadoodka qabaa’ilka ma qarsoona.

WASAARADAHA dhowrka loo qaybiyey ee u baahanin la saxo ansixin ka hor waa sidan:

  1. Wasaaradda arrimaha gudaha waxaa loo qaybiyey 3 wasaaradood:
  • Arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta
  • Arr. Dastuurka
  • Amniga gudaha

Arrimaha federaalka, dastuurka, amniga iyo dib-u-heshiisiinta waa ay isleeyihiin waa in ay wada hoos tagaan WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA. Wasiirka wasaaradan loo dhiibay siduu federaal iyo dib-u-heshiisiin uga shaqayn karaa haddii uusan Dastuurkii shaqo ku lahayn iyo amnigii?

  1. Wasaaradda dhaqaalaha waxaa loo qaybiyey 4 wasaaradood:
  • Qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha
  • Xoolaha
  • Beeraha
  • Ganacsiga iyo warshadaha

Afartuba waa afar qodob oo ay tahay in ay hoos tagaan WASAARADDA DHAQAALAHA.

  1. Wasaaradda gaadiidka waxaa loo qaybiyey 2 wasaaradood:
  • Gaadiidka cirka iyo dhulka
  • Dekedaha iyo gaadiidka badda

Gaadiidku waxa uu maraa cirka, dhulka iyo badda waana in ay dhamaantood hoos tagaan WASAARADDA GAADIIDKA.

  1. Wasaaradda khayraadka waxaa loo qaybiyey 2 wasaaradood:
  • Kalluumaysiga iyo khayraadka
  • Batroolka iyo macdanta

Kalluunka, Batroolka, Macdanta iwm. dhamaantood waa khayraad waana in ay hoos tagaan WASAARADDA KHAYRAADKA.

  1. Wasaaradda arrimaha Bulshada waxaa loo qaybiyey 2 wasaaradood:
  • Haweenka iyo xaquuqul insaanka
  • Dhalinyarada iyo sports-ka

Arrimaha haweenka, dhalinyarada, carruurta iyo waayeelka dhamaantood waa arrimaha bulshada waana in ay hoos tagaan WASAARADDA ARRIMAHA BULSHADA.

  1. Wasaaradda guriyeeynta, korontada iyo biyaha waxaa loo qaybiyey 2 wasaaradood:
  • Howlaha guud iyo Dib-u-dhibka
  • Korontada iyo biyaha

Wax la kala qaado meesha ma yaalaan waa in ay hoos tagaan WASAARADDA GURIYEEYNTA, KORONTADA IYO BIYAHA.

15 WASAARADOOD oo magac u yaal ah oon tayo lahayn waxaa lagu soo aruurin karaa 6 wasaaradood sida aad kor ka akhriday ee kala ah:

  1. Wasaaradda Arrimaha gudaha
  2. Wasaaradda Dhaqaalaha
  3. Wasaaradda Gaadiidka
  4. Wasaaradda Khayraadka
  5. Wasaaradda Arrimaha bulshada
  6. Wasaaradda Guriyeeynta, korontada iyo biyaha

Lixdan wasaaradood marka lagu daro 10ka wasaaradood ee kala ah:

  1. Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta
  2. Wasaaradda Maaliyadda
  3. Wasaaradda Gaashaandhiga
  4. Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga
  5. Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare
  6. Wasaaradda Boostada, isgaarsiinta iyo teknoolojiyada
  7. Wasaaradda Caafimaadka
  8. Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta bulshada
  9. Wasaaradda Cadaaladda
  10. Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha

Waxa ay noqonayaan 16 wasaaradood. Waa tiro kooban oo tayo leh, misana aysan ka dhalan doonin caqabado farsamo, dhaqaale iyo kuwo qabiil midna. Waxaa jirta hal wasaarad oo cusub oon hore u jirin taas oo ah WASAARADDA GARGAARKA IYO MAARAYNTA MASIIBOOYINKA. Wasaaraddan waqtigeedii wuu dhacay, xalay ayuu roobkii curtay, dhanka gargaarkana waxaa jira gudi madaxweynahu sameeyey oo arrintaas meel marin doona. Waxaa ii muuqata in wasaaraddan loo bedelo WASAARADDA HORUMARINTA REER MIYIGA IYO ISU-DIYAARINTA MASIIBOOYINKA. Waxaa muhiim ah in wasaaraddan ay ka shaqayso qaabka abaaraha danbe ee soo socda looga hortegi lahaa looguna tabaabushaysan lahaa. Si aysan dadkeena iyo xoolaheenu mar danbe biyo iyo baad la’aan ugu dhicin.

Waxaa intaas dheer, waxaa ii muuqata in wasiir-ku-xcigeenada meesha laga saaro guud ahaan, maadama hawsha ay qaban doonaan aysan cadayn culays dhaqaale oo dheeraad ahna dowladda ku yihiin, horena waan u soo aragnay. Taas bedelkeeda in la sameeyo agaasimeyaal wasaaradeed oo wasiirka toos u hoos taga oo shaqo tayo leh qaban kara. Waxaa sidoo kale muhiim ah in 15ka wasiir-dowle iyana meesha laga saaro guud ahaan.

Fadlan xildhibaan, sababaha kor ku xusan daraadood, ha ansixin gole wasiirro oo ka kooban 67 wasiir. Fadlan xildhibaan, ha luminin 4 sano oo dowladeed. Fadlan xildhibaan, u hiili danta dalka iyo dadka. Fadlan xildhibaan, ha niyad jebin shacabka iyo aqoonyahanka soomaaliyeed eed markii hore ka farxisay. Fadlan xildhibaan, tixgelin sii dareenka shacabka kana fakar danta dalka iyo dadka. 26 wasaaradood waxa ay noqon karaan 17 wasaaradood sida kor ku qoran. Fadlan xildhibaan, adigoo gudanaya waajibkaaga dastuuriga ah ee toosinta xukumadda,dalboin R/wasaaruhu xukumadda uu ku dhawaaqay in uu tiradeeda iyo tayadeeda mar kale saxo. Fadlan xildhibaan, intaad berri mooshin ka keeni lahayd, maanta sax.

Samsam Cilmi Shabeel


Muwaadinad soomaaliyeed
Stockholm, Sweden

W/Q Samsam Cilmi Shabeel, MSc in Sociology & Social work
E-mail:zamzam_shabeel@hotmail.com
Facebook:https://www.facebook.com/samsam.elmi.7



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip