Maroodigii waa Umulay-wasiiradiina waa!?!?!?.

0
Wednesday March 22, 2017 - 20:35:02 in Maqaallo by
  • Visits: 953
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maroodigii waa Umulay-wasiiradiina waa!?!?!?.

    Gabadhii guurku ka daahay ee la soo doontay ,ee lagu yiri Dheh: Alxamdu lilaahi Rabil caalamiina. Waxa ay tiri: Alxamdu waan leeyahay laakin Rabil caalmiina ku darimaayo: waxaa la yiri: maxaa dhacay? Waxa ay tiri: waa la i soo doontay laakin weli lay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabadhii guurku ka daahay ee la soo doontay ,ee lagu yiri Dheh: Alxamdu lilaahi Rabil caalamiina. Waxa ay tiri: Alxamdu waan leeyahay laakin Rabil caalmiina ku darimaayo: waxaa la yiri: maxaa dhacay? Waxa ay tiri: waa la i soo doontay laakin weli layma Guri geeyn.

Hadda Gole xukuumad waa la magacaabay, laakin weli Baarlamaanka lama horgeeyn. Waa run Maroodigii muddu ayuu foolanayay,foosha waa ku dhibtooday,maanta waa umulay "saqiir ugub foosha waa ku dhibtoodaa” haddii uu maroodi yar noo dhalay waa sidii aan ka sugeeynay, haddiise isbadal doon ayaan aheeyne madoodigii fooshay uu mukulaal dhalay, muddo ayeey u baahanee in lagu haayo qeeybta xanaanada gaarka ah ee Isbitaalka,si ay u qaadato naaneeysta- Mukulaal maroodi.

Hadaba, waxa dhashay in ay maroodi yar yihiin iyo in ay Mukulaal yar yihiin waxaa laga sugaa baarlamaanka, inkastoo 68da fooshooda lagu daahay 41 ka mid ahi ay caruurtii baarlamaanka yihiin oo ay ku doodi doonaan inay maroodi yihiin, dowlad baarlamaanka u badan yaa la xisaabtamayo?,waa isla baarlamaankii, waxaa la mataaneeyay shaqadii baarlamaanka iyo xukuumadda miyaa?.

Oowlaad badan waa lagu duceeystaa, laakin 68 kuu dhalatay waqti jiilaal dheeraaday iyo abaara jiraan, intee caana looga keenaa? Weliba waa dhal qurbo u badan,iyo waalid qurbo oo Caana NIDO wax aan aheeyn ma cabaan,Allow Jiilaalkan ayna Xafaayado na weeydiin, waxaan nahay shacab iyo waalid calool nugul oo aan fiiri Karin caruurtoodii,oo abaarta jirto wax aanan aqoon u baahan, ooyintooda iyo qosolkooda kalama naqaan, DAD iyo MOM wax ay ka wadaan ma naqaan,Allow sahal umuuraha,Aamiin,Aamiin.

Fudeeyd ma fiicno,yaan la deg degin. Aan sugno intii umushu ay 40ka ka baxeeyso, ilmahana Minanka waa lagu arkaye kuwii Madarka lagu arku in ay noqdaan aan ugu duceeyno. Haddii ay naga saqiiraana saqiir aakharo Alla hanooga dhigu, waalidkiina waa joogaa ee badal khayr qaba aan ugu duceeyno.

Maxaad u amaantay iyo maxaad u dhaliishay midna laguuguma eedeeyn karo oo waa wax aad wax ku leedahay. Laakin sabata waa lagu weeydiin karaa!.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip