Khilaafka Qoysas ku yimaada maxaa u sal ah

0
Friday September 04, 2015 - 10:19:58 in Maqaallo by
  • Visits: 2584
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafka Qoysas ku yimaada maxaa u sal ah

    Kalmada Qoys ayaa marka la fasirayo lagu sheegay in ay yihiin Hooyo Aabe iyo carruurta ay isu dhalaan waxaana iminka soo badanayo dhibaatooyinka ka dhex abuurma qoysaska. Khilaafyada soo kala dhex gala qoysas is qaba oo mudooyinkaan noqday mid baa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kalmada Qoys ayaa marka la fasirayo lagu sheegay in ay yihiin Hooyo Aabe iyo carruurta ay isu dhalaan waxaana iminka soo badanayo dhibaatooyinka ka dhex abuurma qoysaska. Khilaafyada soo kala dhex gala qoysas is qaba oo mudooyinkaan noqday mid baahay oo sida u muuqata sababa arrimo badan oo ay ka mid yihiin

Dhaqaalaha oo Sababa Shaqo La’aanta Aabayaasha

Kalsooni daro

Is Xaqdhowrid La’aanta Reerka dhexdiisa taala

Guurka oo markii hore si fudud ku yimid

Balwada oo lagu tarax tago

Haddaba aqristoo waxaa jirta dhowrkaan qadob ay yihiin kuwa ugu waa weyn ee sababa burburka ku yimaada qoysas waxaa kaloo maalmahaan taariikhda soomaalida ku soo kordhay in khilaafyada uu ku yimaada qoysas 30 sanno isla jiray oo dhabtii arrintaan ah kuwa aan hore loogu arkin dhaqankii dahabiga ahaa ee ay soomaalida laheyd

Haddaba waxaan mid mid u qaadaneynaa sida ay qodobada aan soo xusnay u dhacaan iyo ilaa raadka ay ku keenaan reerarka soomaalida sidoo kale ayaan kala saari doonaa sida ay dhibaatooyinkaan ugu kala badan yihiin

Khilaafka Dhaqaalaha Ka Dhasho Heerkuu Kaga jiraa Buburka Qoysaska Ku Yimaada

Tan iyo markii uu burburka ku yimid dalka waxaa durbadii meesha ka baxay shaqooyinkii ay aabayaasha Soomaalida subixii u kelihi jireen taas oo aan aniga qabay in ay aheyd sharaftii uu aabaha ku lahaa qoyskiisa iyo waliba bulshada dhexdeeda waxayna tani keentay in ay hooyada badasho kaalintii aabaha oo ay iyada subixii reerka u jarmaato isla markaana soo dhicisa reerka qutul daruurigiisa, balse dhinaca kale tani waxay badisay reerka khilaafkiisa maxaa yeelay hooyada ayaa u muuqata mid ku daashey howsha adag ay iminka reerka u heyso sidoo kale waxay tani aabaha dhaxal siisay inuusan u danqan hooyada amaba uusan u arkin in kaalintiisa la buuxiyey loogana baahanyahay inuu dhinaciisa hooyada ka kaalmeeyo howsha ay dusha saaratay khilaafka noocaan ah ayaa ah mid ugu dambeyn keeno kala tag ku yimaada qoysaska halkaas ay meesha kaga baxdo wadajirkii uu sharafta ku lahaa qoyska waxayna tani qoyska dhaxal siisaa in inuu noqdo mid baaba’ ku

dhamaaday oo inta badan ay dhacdaa in caruurta ay noqdaan kuwa saaqida.

furiinka

Khilaafka Qoysas Ku Yimaada Maxaa U Sal ah

Kalsoonida Darada Reerka Dhexdiisa Ka Jirta

Kalsooni darada ayaan qabaa in ay ku timaada kalsooni oo aan markiiba horaba jirin fikir ahaan ayaan qabaa in jaceylka uu ka horeeyo kalsooni oo marka ay Kalsooni jirta inuu jaceylka imaan karo kalsooni daradana ayaa keenta in reerka uu kala shakiyo isla markaana ay taa ka faa’iideysto sheydaanka dadka ku dhex jira oo durbadiiba uu meesha ka billaawdo buuq ugu dambeyn sababa kala tag horseeda nolol dhan oo dhamaad xun yeelato waxaana aad u adag nin amaba naagi buuqa caadeystay ay noqdaan kuwa noloshooda dambe degta.

Is Xaqdhowrid Darada Waa Aabaha Burburka Qoysaska

Is xaqdhowrida waa salka ugu adag ee uu reeri ku nagaan karo mudo balse waxaa mudooyinkaan yaraaday reer ama qoys is qaba oo is xaqdhowrid iyo isxushmeyn ku noolaado ama ku wada joogo waxaana qabaa in ay tani tahay caqabad kale oo reeraha soomaalida mudooyinkaan ku so kordhay waxaana aaminsan nahay in ay tani tahay mid labada qofood waa aabaha iyo hooyada ay ku luminayaan sharaftii uu reerka lahaa oo xataa waxaa jirta in Khilaafka ama muran dhex mara uu inta badan uu ka dhaco ilmahooda hortooda tanina uu xataa sababo in carruurtii laf ahaantooda ay doorkooda ka cayaaraan oo aysan waalidkii siin xushmad.

Mar aan isku dayey in xaalkaan ku cusub dhaqankeena kuna soo kordhay ayaa Hooyo wax garada oo dadii 60aad ku jirta ii sheegtay in qoysaska noocaas oo kale ay markoodii hore uu liitay barbaarintoodii hore.

Guurka Oo aan Markiisii Hore Loo Fiirsan

Marka aan leeyahay guurka oo aan loo fiirsan ayaan ula jeedaa in aan markii hore laga fiirsan caqabadaha loo baahan yahay in laga gudbo fudeedka noocaan oo kale isla markaana aan la xisaaban waxa ka dhalan kara ayaa si fudud u keena khilaaf sababa kala tag.

Balwada Maka Qeyb Qaataa Burburka Qoyska?

Balwada marka la soo hadal qaado ayaa laga yaabaa durbadiiba aabaha loo maleeyo inuu yahay qofka kaliya ee isticmaalo, balse waxaa jirta in

hablo badan oo soomaaliyeed ay manta balwad nooc kasta ay leeyihiin, haddaba reerka noocaan oo kale ayaa ay adag tahay in ay si asluubeysan oo dhaqanka iyo shareecada ay qabto ku noolaan karo ama ay iskula jiri karaan ama waxaa laga yaabaa in ay noqdaan qoys duloobo oo aan duliga iska celin samaha aan isu farin isla markaana ubadkooda ay adag tahay in ay ka dhex baxaan xumaan & shar waxaana dhacda iyo iyaga laf ahaantooda ay balwada dhinacooda ka wadaan sidaas uu reerka ku noqdo mid duleysan oo aan soo saarin ubad loo aayo

Haddaba aqristoo ma is weydiisay sida intaa oo dhibaato ah looga bixi karo waxaan aniga qabaa in marka hore caqli nadiif ah lagu fikiro isla markaana xumaanta meel hore looga soo tago sidoo kale ayaa loo baahan yahay dhib kasta oo yimado in lagu xalliyo wad hadal iyadoo ceeb laga dhigto in muran reerka uu ahaado mid bannaanka u baxo oo looga baahan yahay in hooyada iyo aabaha ay khilaafkooda dhexooda ka xalistaan isla marka marka ay wax isu sheegayaan in aysan ku dhex hadlin carruurta dhexdooda oo wax walba ay u noqdaan kuwa iyaga u qaas ah waxaana si xoogan aan u aaminsanahay in haddi wax walba sidaa loo xallliyo in qoyska noocaas ah uu ahaan karo mid bulshada intiisa kale ka dhex muuqda oo wanaagooda la hadal haayo laguna daydo isla markaana soo saaro carruur duco qabayaal ah oo asluubeysan

Xaali X Maxamed ( Xaalkoos)


Xaalkoos@hotmail.com 

Xigasho :-Jowhat.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip