Ciidamada Nabad sugidda oo soo qab qabtay Maandooriyaal

0
Monday August 17, 2015 - 07:39:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1391
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Nabad sugidda oo soo qab qabtay Maandooriyaal

    Ciidamada hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa 48saac ee la soo dhaafay magaalada Muqdisho ka sameeyay Holwgallo lagu Uruurinayo waxyaabaha Maanka dooriya taas oo Qatar ku ah Nolosha dadka iyo Sugidda Amniga Caasimadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa 48saac ee la soo dhaafay magaalada Muqdisho ka sameeyay Holwgallo lagu Uruurinayo waxyaabaha Maanka dooriya taas oo Qatar ku ah Nolosha dadka iyo Sugidda Amniga Caasimadda.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in ciidamada Nabad Sugidda ay soo qab qabteen waxyaabaha maanka dooriya oo lagu isticmaalayay mid ka mid ah guryaha ku yaalla muqdisho isla markaana lagu abuurayay Guri ka mid ah guryaha magaalada.

"Ciidamadda Nabad Sugidda uma diyaar sana oo qura  in ay la dagaallaman kooxda Shabaab ee waxa ay sidaasi si la mid ah ula dagaallamayaan cidwalba oo lagu helaa nuucyada Xashiishka, Calaqa iyo maandooriyaasha kale ee Qatarta ah” ayuu yiri Afhayeen Maxamed Yuusuf.


Si doo kale ciidamadda hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka qaranka waxa ay si Aad ah u baadi goobayaan Dhagar qabashaashii dilay allaha u naxariistee Gabar Soomaaliyeed oo u shaqaynaysay Baarlamaanka Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa ugu dambayntii sheegay in ciidamadda Nabad Sugidda iyo Boliiska ay daba joogaan falkaas dadkii ka dambeeyay isla markaana ay ka haridoonin gacan ku dhiiglayaashaas dilay gabadhaas Soomaaliyeed ee iyada oo Aqoon leh u shaqaynaysay dadkeeda iyo dalkeeda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip