HAWL-MAALMEEDKA SHAQO EE MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA

0
Monday March 06, 2017 - 15:16:24 in Maqaallo by
  • Visits: 1179
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HAWL-MAALMEEDKA SHAQO EE MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA

    – Hawl-maalmeedka madaxweynuhu, sida caadiga ah, waxa uu ka billowdaa warbixinno kooban (briefings) oo xasaasi ah oo uu ka dhegeysto madaxda Nabad-sugidda Qaranka. – Keddib waxaa xigaya kulamo iyo dhacdooyin. Kulamadaas waxaa ku jiri kar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

– Hawl-maalmeedka madaxweynuhu, sida caadiga ah, waxa uu ka billowdaa warbixinno kooban (briefings) oo xasaasi ah oo uu ka dhegeysto madaxda Nabad-sugidda Qaranka. – Keddib waxaa xigaya kulamo iyo dhacdooyin. Kulamadaas waxaa ku jiri kara kulan uu Ra'iisul Wasaaraha ama mid ka mid ah wasiirrada la qaato. Waxa kale oo ka mid noqon kara Guddoonka ama xubin/xubno Baarlamaanka ka socda oo uu kala hadlayo istiraatiijiyaddiisa xagga sharci dejinta ah.
– Waxa uu maalintii qaabbili karaa metelayaasha shacabka iyo muwaadiniin koox koox u habaysan. Aqoonyahannada ayuu miiska wareegsan la fariisan karaa iyo weliba ganacsatada. Shakhsiyaadka iyo shirkadaha sida hufan shacabka ugaga adeega xagga gargaarka iyo ka hortagga masiibooyinka iyo aafooyinka ayuu munaasabad mahadcelin ah madaxtootada ugu sameyn karaa.

– Munaadabado warbaahineed oo kala duwan, oo aan ku koobnayn jadwalka rasmiga ah ee war saxaafadeedka madaxtooyada, hase yeeshee sidoo kale farriimo degdeg ah shacabka loo sii mariyo qalabka warbaahinta, kuwaas oo ku saabsan arrimo gooni gooni ah ama ka jawaabis degdeg ah sheeko saxaafadeed ayuu ka qaybgeli karaa. Dhacdooyinka kale ee saxaafadeed waxa ka mid noqon kara hambalyo ku aaddan munaasabad gaar ah.

– Dhacdooyin kale oo muhiim ah waxaa ka mid noqon kara kulamo uu la qaato madax ka socota dalalka iyo ururrada dibadda, waxana ka mid noqon kara casho sharaf ama wafdi uu soo indha-indhayn ugu kexeeyo bar-tilmaameedyo magaalada ka mid ah oo ahmiyad gaar ah booqdaha u leh, sida dekedda, iwm.

– Madaxweynuhu waxa uu yeelanayaa jadwal muddaale ah ama dhacdo la xiriira oo uu dowlad-goboleedyada dalka ku kala bixinayo, isaga oo soo salaamaya shacabkiisa, cabashooyinkoodana soo dhegeysanaya, una kuur-gelaya hawlaha maamullada.

– Madaxweynaha booqashooyinkiisa dibaddu inta badan waa qaar daal badani ka dhasho. Waxay filiqsan yihiin min booqashooyin rasmi ah oo dal saaxiib ah lagu tegayo ilaa iyo ka qaybgal kulamo caalami ah, sida Kalfadhiga Jamciyadda Qurumaha ka dhaxaysa oo dayr kasta la qabto iyo dhacdooyinka siyaadadeed ee dalalka ahmiyadda gaarka ah inoo leh.

– Jadwalka madaxweynaha in la xakameeyaa waa shaqada shaqaalaha madaxtooyada, hase yeeshee mararka qaar buu faraha ka baxayaa una ekaanayaa shaqada qofka dab-damiska ah.

– Bal sawiro madaxweynaha oo ay mar qur ah wada hor yaallaan; warbixinta sirdoonka, gurmadka abaaraha, la dagaallanka nabad-diidka, sharciyada kulul ee Baarlamaanka horyaal, xiriirka dalalka deridka ah, wax ka qabashads musuqmaasuqa, garsoorka, canshuur ururinta iyo bajadka, xiriirka dowlad-goboleedyada, dib-u-heshiisiinta, iwm. Dhibaatooyinkaas oo dhami isku mar bay wax-ka-qabasho u baahan yihiin, mid kasta oo ka mid ahina aad bay ahmiyad u leedahay, aadna way u dhib badan tahay.

– Waxa intaas dheer furitaanka ciyaaraha kooxaha geerka koowaad, gobollada, dowlad-goboleedyada, iwm. Sidoo kale, dhagax-dhigga dhismooyinka adeegga bulshada iyo ubax dhigga munaasabadaha maamuusyada Qaranka.

Sabriye Musse


sabkaxaaji@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip