Jaamacadda JOBKEY oo faracyo cusub ka furatay magaalooyinka Puntland

0
Friday November 13, 2015 - 13:12:23 in Wararka by
  • Visits: 840
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamacadda JOBKEY oo faracyo cusub ka furatay magaalooyinka Puntland

    Jaamacadda JOBKEY oo ka mid ah Jaamacadaha sanadihii ugu dambeeyey ka hana qaaday koonfurta Somalia ayaa faracyo cusub ka furatay magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland. Xaflada furitaanka faracyadan oo lagu qabtay magaalad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaamacadda JOBKEY oo ka mid ah Jaamacadaha sanadihii ugu dambeeyey ka hana qaaday koonfurta Somalia ayaa faracyo cusub ka furatay magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland. Xaflada furitaanka faracyadan oo lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa waxaa ka qeyb galay, masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Puntland, ururada haweenka, aqoon-yahano, Culimaa'udiin, maamulka jaamacadda JOBKEY iyo madaxda jaamacadaha kale ee ku yaalla degaanada Puntland.

Maamulaha faraca Jaamacadda Jobkey ee degaanada Puntland Mohamed Hassan Warsame oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in jaamacadda ay wax weyn ku soo kordhin doonto waxbarashada degaanada Puntland, wuxuuna xusay iney bixin doonaan waxbarashada isugu jirta heerarka koowaad iyo labaad.

Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamanka Puntland Hussein Yaasin Xaaji Diiriye oo isna khudbad ka jeediyey xafladaas ayaa sheegay iney soo dhoweynayaan faracyada cusub Jaamacadda JOBKEY.

"Inkastoo horey Jaamacaddo iyo iskuulo badan ay uga jireen degaanada Puntland haddana jaamacado cusub waa loo baahan yahay, maadaama ay badan tahay baahida waxbarasho ee degaanadan ka jirta, jaamacada Jobkey-na waxaan u rajeynaynaa iney sii dardar geliso waxbarashada degaanadan” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamanka Puntland.

Gudoomiyaha Jaamacadda JOBKEY Prof. C/casiis Caagane Abdisamad oo isna munaasabadan ka hadlay ka waramay aasaaskii jaamacadan, ujeedadii ay ka lahaayeen iyo marxaladihii ay soo martay.

"Waxaan farxad inoo ah dedaal dheer ka dib inaan maanta u fadhino furitaanka faracyada Jaamacadan ee Garoowe iyo Boosaaso, waxayna jaamacadu u balan-qaadeysaa ardayda reer Puntland iney ka heli doonaan aqoon tayo sare leh oo la jaan-qaadeysa mida jaamacadaha kale ee caalamka” ayuu yiri Prof. C/casiis Caagane Abdisamad oo dhinaca kale u mahad celiyey dhamaan intii gacanta ka geysatay furitaanka faracyada Jaamacadda ee Puntland, isagoo xusay iney u qorsheysan tahay faracyo kale iney ka furtaan degaanada aysan weli gaarin.

Waxaa sidoo kale munaasabadan khudbado ka jeediyey masuuliyiin ay ka mkid ahaayeen Wasiir ku xigeenka, shaqada iyo shaqaalaha Puntland, Cabdirisaaq Shire Ismaaciil, Agaasimaha Tacliinta sare Cabdullaahi Cali Jaamac iyo xubno kale oo dhamaantood soo dhoweeyey faracyada jaamacadu ka furatay degaanada Puntland.

Jaamacadda JOBKEY oo qeybteeda waxbarashada heerka labaad la mataan ah Jaamacadda CAVENDISH ee dalka Uganda ayaa xarunteeda dhexe waxay ku taalaa magaalada Muqdisho, waxayna Jaamacaddu horey faracyo kale uga furatay magaalooyinka Jowhar iyo B/weyne ee gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan.

jo (1) jo (2) jo (3) jo (4) jo (5) jo (6) jo (7)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip