Madaxweyne Xasan oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

0
Thursday November 12, 2015 - 20:19:57 in Wararka by
  • Visits: 693
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhameystay safar shaqo oo uu ku tegay wadamada Uganda, Jabuuti iyo Sacuudiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhameystay safar shaqo oo uu ku tegay wadamada Uganda, Jabuuti iyo Sacuudiga.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa waxaa garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee Muqdisho si diirran ugu soo dhaweeyay guddoomiyaha baarlamanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari” wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyin kale oo ka tirsan dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu joogay dalka Uganda waxa uu kulan la qaatay madaxweynaha dalkaasi iyo madax kale oo ka tirsan gobolka, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka waddamada iyo guud ahaan sidii la isaga kaashaan lahaa ammaanka gobolka geeska Africa.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa magaalada Riyadh ee dalka Sucuudiga uga qeybgalay shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta iyo Koonfuur America ee ka dhacay magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya, isagoo halkaasi ka jeediyay khudbad qiimo badan oo uuku xusay muhimadda ay leedahay sare u qaadidda iskaashiga u dhexeeya waddamada Carabta iyo dalalka Koonfuur America.

Madaxweynaha iyo xubnaha la socday ayaa xalay ku soo cimreystay dhulka barakeysan ee Kacbada, wuxuuna madaxweynuhu Alle uga baryay ummadda Soomaaliyeed inuu ka dulqaado dhibta heysata.

CulusowCulusow1Culusow2Culusow3Culusow4Culusow5Culusow6Culusow7Culusow8





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip