Ciidanka Kenya ee Somaliya jooga oo dhaqaalo badan ka hela ka ganacsiga Sonkorta iyo Dhuxusha

0
Thursday November 12, 2015 - 11:53:13 in Wararka by
  • Visits: 646
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Kenya ee Somaliya jooga oo dhaqaalo badan ka hela ka ganacsiga Sonkorta iyo Dhuxusha

    Ciidamada Kenya ee jooga Somaliya ayaa lagu eedeeyay inay dhaqaalo badan ka helaan ka ganacsiga Dhoofinta Sonkorta Sharcidarada ah ee la geeyo dalka Kenya. Warbixin cusub oo ay saareen Koox Wariyeyaal ah oo fadhigooda uu yahay Magaalada Nairobi ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Kenya ee jooga Somaliya ayaa lagu eedeeyay inay dhaqaalo badan ka helaan ka ganacsiga Dhoofinta Sonkorta Sharcidarada ah ee la geeyo dalka Kenya. Warbixin cusub oo ay saareen Koox Wariyeyaal ah oo fadhigooda uu yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya macaash fara badan ay ka helaan Sonkor si sharcidaro ah loogu dhoofiyo dalkaasi. Sidoo kale Wariyeyaasha ayaa Warbixintooda waxa ay ku sheegeen ciidamada Kenya inay ku lug leeyihiin Dhoofinta Dhuxusha oo Qaramada Midoobay sanadkii 2012-ka ay xayiraad ku soo rogtay.

Warbixintan waxay sheegtay in ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ay sanadkiiba 50m oo doolar ka helaan canshuridda dhuxusha iyo sonkorta sida sharci darrada ah looga dhoofiyo Soomaaliya.

Kenya 1

Warbixinta waxa kale oo lagu sheegay ciidamada Kenya inay suurageliyaan Shabaabka inay helaan dhaqaalo badan, maadaama deeganada la sii marsiiyo Sonkorta iyo Dhuxusha ay joogaan Shabaab oo Canshuuro badan ay ka qaataan.

Inkastoo dhowr mar lagu eedeeyay ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan ka ganacsiga Sonkorta Koontarabaanka ah iyo Dhoofinta Dhuxusha Sharcidarada ah, ayaa hadana ciidamada Kenya waxa ay u muuqdaan kuwa iska indha tiraya eedeymaha loo jeedinaayo.

Majirto cid Kenya kula xisaabtanta howlaha ay ka hayaan Dekada Magaalada Kismaayo oo fariisin ciidan oo weyn ay halkaasi ku leeyihiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip