Dr.Cali Cusmaan: Hambalyo Guddiga Olimpigadda Soomaaliyeed+Sawirro

0
Thursday November 12, 2015 - 11:37:44 in Wararka by
  • Visits: 1031
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dr.Cali Cusmaan: Hambalyo Guddiga Olimpigadda Soomaaliyeed+Sawirro

    Waxaa dhawaan magaaladda columbuus ee Gobolka OHIO booqasho taarikhiahki ah ku yimid Gudoomiyaha guddiga Olimpigadda Soomaliyeed MR. Cabdulaahi Trabi iyo Xoghayaha GOS Mudane Duraan Faarax kadib markii ay ka sooqeyb galeen Shirkii Caalamiga ahaa oo a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa dhawaan magaaladda columbuus ee Gobolka OHIO booqasho taarikhiahki ah ku yimid Gudoomiyaha guddiga Olimpigadda Soomaliyeed MR. Cabdulaahi Trabi iyo Xoghayaha GOS Mudane Duraan Faarax kadib markii ay ka sooqeyb galeen Shirkii Caalamiga ahaa oo ay qabanqaabisay Guddiga Olimpigadda Caalamka kaa oo lagu qabtay Magaaladda Washigton oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan guddiyadda Olimpigadda dalalka addunka oo dhan 206 Xubnood,waxaana guud ahaan looga hadlaayeylooga hadlaayey dardargelinta hawlaha Olimpigadda iyo diyaargarowga tartanka Olimpigadda oo la qaban doono sanadka 2016. Waxaana ka soo qeyb galay halyeeyo Taarikh ku leh isboortiga noocyadiisa kala duwan oo kala ah;.

1)Dr. Cali Cusmaan Cali………………Xoghayahii hore ee GOS

2)Cabdulaahi Xirsi ……………..Gudoomiyahii Hore ee XSCF

3)Khaliif Riiko……………………………..Ciyaaryaha Kooxdii Kubadda Cagta ee Badda iyo Xulka Qaranka.

4)Inj. Cabdulqaadir Carale……………Gudoomiye Kuxigeen Xiriirka Ciyaaraha Fudud.

5)Cabdicasiis Mahdi…………………….Kooxdii Muqdishu,Xulka Qaranka,Tababare Xulka Qaranka.

6)Axmed Weli…………………………….Kooxdii Kubadda Cagta ee Batroolka.

7)Sucaado cabdulaahi…………………Kooxdii K/k ee Horseed xulka Qaranka K/K.

8)Inj. Cumar Shekey…………………..Gudoomiyaha Jaaliyada Atlanta.

9)Cabdirashiid Qanyare………………Jaaliyadda Atlanta.

10)Bashiir Gelle…………………………Gudoomiyaha Isboortiga ee OHIO

11)Cabdulaahi Afrikano………………Xubin Guddiga Isboortiga ee OHIO.

Waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyey Dr.Cali Cusmaan Cali si uu sawir guud uga bixiyo nuxurka Guddiga Olimpigadda iyo aragtiyayooyinka fog iyo kuwa dhawba,waxaana uu warbixintiisa uu ku bilaabay unkidii IOC oo ku beegneyd Juun 23,1896,waxaana lagu tiriyaa in uu lahaa aasaasideeda Baron PIERE DE COUPERTIN oo macalin ka ahaa Dugsi ku yaal dalka Fransiiska isagoo ahaa macaalinka FISICAL EDUCATION,waxeyna aragtideeda ku qotontay in diiradda la saaro sidii rajo loo abuuri lahaa meelahaa an rajada ka jirin iyadoo la adeegsanaayo abaabulida Isboortiga,waxay kaloo aragtida IOC ku wajahned in la burburiyo caqabadaha dadka kala midabka ah,lana abuuro is dhegal dhalinta soo koreysa,waxay dadyooga caalamka ku boorineysaa in la midoobo iyadoo loo sii maraayo hadafka IOC,waxay lid ku tahay midab takoor nooc kasto uu yahay sida ku cad shanta garaangir oo kala midabka ah,waa luqadda keli ah ooay isku fahmaan dadka kala nooca ah kuna kala nool addunyadda dacaladeeda kala duwan,waana Festifaalka uGu weyn ee addunka laga qabanqaabiyo oo ay isugu yimaadaan dhalinta uGu badan ee addunka guudkiisa ku nool,waxay hiigsataa in la hormariyo isku xirnaanta dadyooga caalamka si loo abuuro jawi wada noolaasho oo salka ku haya nabad iyo is xurmeyn,diiradana la saaro anshaxa,waxbarashadda ,dhaqanka,isboortigana lagu barbaariyo dhalinta soo koreysa,halku dhigeyda waxa weeyey CITUIS,ALTUIS,FORTUIS oo la micna ah dheereeye,sareeye iyo xoogan ,waxa kaloo Dr. Cali Cusmaan sheegay in guddiga Olimpigadda Soomaaliyeed udubadda loo taagay sanadku markuu ahaa 1972,waxaana uu maray marxalado kala duwan oo mid kastaba la saan qaadeysay waqtiga markaala joo gay,waxaana mooda in uu ka muuqday fagaaraha lagu tartamo oo ay ka socdaan tartamo oo ay ka socdaan Ciyaaraha kala duwan ,taa oo ay Ummadda soomaaliyeed mar kastaba farxad gelisa markii calanka soomaaliyeed laga taago garoomadda Isboortiga Guud ahaan gaar ahaan Kuwa Olimpigadda ,

sidoo kale Dr. Cali Cusmaan waxaa uu guud maray Taarikhda isboortiga ee gudoomiye tRabi iyo Xoghaye Duraan ,isagoo uGu mahad celiyey sida ay ugu dhabar adeegeen ka gun gaaridda hadafka Olimpigadda Soomaaliyeed taa oo ay ku kasbadeen sumcad iyo abaal ma guuraan ah ay ummadda Soomaaliyeed u hayso ayuu Dr. Cali Cusmaan ku soo gabagabeeyey warbixinti gaabneyd.

 

Waxaa halkaa markooda ka hadlay Guddomiyaha GOS mudane Cabdulaahi Trabi isagoo marka hore u mahadceliyey Halyeyadda Isboortiga ee ka soo qeyb galay shirkaas,waxa kaloo uu u mahadceliyey Gudoomiyaha Isboortiga ee OHIO oo runtii suurtogeliyey in uu qabsoomo isu imaatankaas,Mudane Trabi waxa uu marka ka sheekeeyey Marxaladihii kala duwanaa uusoo maray Guddiga Olimpigadda Soomaaliyeed ,isagoo sheegay in ay Maskax iyo Hawlba ay u hureen si hadafka GOS uu u noqdo mid la gaaro,isla markaana sameyn badan ku yeesha dhalinta soo koreysawaxa kaloo uu u mahadceliyey dhamaan Ummadda Soomaaliyeed oo ruuntii garab iyo gaashaan u ah Guddiga Olimpigadda Soomaaliyeed anigoo ka rajeynaayo in la laban laabo taageerida hagar la’aanta ah oo ay noo huraan,

 

Sidoo kale waxa kaloo halkaa isna ka hadlay Xoghayaha GOS Mudane duuran oo sheegay in Guddiga Olimpigadda Soomaaliyeed uu albaabo badan u garacay oo dalka gudihiida iyo dibadaba taa oo runtii wax badan aanu ku guuleysanay qaarba danna ay noo dhiman yihiin,waxaana mudana Duran uu Carabka ku adkeeyey in aysan ka caajisi doonin horumarinta GOS iyadoo shacabka Soomaaliyeed aanu aka codsaneyno in ay garab istaaga ay labanlaabaano waayo waxay arrinta Olimpigadda sameyn wanagsan ku leedahay dhalinta soo koreysa oo ay kala dagaalameysa waxyaabaha mustaqbalkooda wax yeelika ra..waxaana uu shirkii ku soo dhamaaday GUUL.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 12 13 14 15 16 22 23 24 25 26 27 28




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip