SIYAASADDA HA GALIN HADII AADAN RABIN IN LAGU CANAANTO LAGUNA CEEBEEYO.

0
Wednesday March 01, 2017 - 21:07:52 in Maqaallo by
  • Visits: 1208
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    SIYAASADDA HA GALIN HADII AADAN RABIN IN LAGU CANAANTO LAGUNA CEEBEEYO.

    Madoonaysaa in aad siyaasi noqoto ? haa waan doonayaa,wakhti iyo dhaqale aad u badana waa aan ku lumiyay sidii aan siyaasi u noqon lahaa, hadaba hadii ay jawaabtaadu tahay haa,ku talagal waxaa ku sugaysa in laguu bixiyo magacyo aadan hore u lahaan ji

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madoonaysaa in aad siyaasi noqoto ? haa waan doonayaa,wakhti iyo dhaqale aad u badana waa aan ku lumiyay sidii aan siyaasi u noqon lahaa, hadaba hadii ay jawaabtaadu tahay haa,ku talagal waxaa ku sugaysa in laguu bixiyo magacyo aadan hore u lahaan jirin sida ; Tuug,Khaayin,Beenaale,Laaluush qaate iwm.

Hadaba magacyadan aadka u wada foosha xun mataqaanaa cida kuu bixinaysa?haa waan aqanaa waa dadka aniga i necbaa! maaha ha qaldamin siyaasi,dadkan magacyada shaydaan kuu bixinayaa waa kuwii dadka kuugu jeclaa,lagana yaabo in xiligii aad xilka doonaysay in ay ku garab taagnaayeen.

Waxa kaloo iyaguna ku sugaaya isla markana ka qayb qaadanaaya ceebayntaada siyasiyiintii ku fashilmay shaqada siyaasada oo ay kow ka yihiin kuwii laga qaaday kursigan adiga hada laguu dhiibay,waayo iyaga horaa loo soo caayay ama loo af lagaadeeyey.Tan iyo maalinta laguu magacaabo xilka siyaasada,marnaba ha filin in geed har qabaw laguu goglo,sababta oo ah, nin xilqaaday eed qaad,hadii wax kale laguu gaysan waayana, waxaaba ceeb kuugu filan, ilayn qof bini’aadmiya ayaad tahay,wixii aad ceeb hore usoo samaysay oo dadwaynaha loo soo bandhigo.

Qof kasta oo inaga mida xiliga uu siyaasada ku cusub yahay,waxaa dhici karta in uu ka fikirayo in ay siyaasadu ay tahay meel har qaboow la isu goglaayo, balse maaha ,waanay ka fogtahay qof kastaaba sida uu filaayo. Soomaalina waabay ka xig jirtaa,waxa lagugu ceebaynayaa qabiilkaaga,waxkasta oo aad qabato waxaa loo badalayaa waxyeelo, waxa aad noqonaysaa tuug canbaar leh,waxaa ku cayr-sanaaya cid kasta oo cadaw kuu aragta sax iyo khaladba.

Hadaad doonayso in aan waxba laga sheegin hasoo faragashan siyaasada iyo masraxyadeeda,taas ugama jeedo in ummaddu aanay yeelan dad siyaasiyiin ah oo arimaheeda u jan gooya,laakiin waxaan talo guud siinayaa raga moodaya in Roogan cas ee madaxda diyaradaha loo hoos dhigaa in uu yahay, mid uu kalgacal ku dheehan yahay.Waxa aad siyaasada soo galaysaa adiga oo nadiif a,waxa aad albaabka siyaasada gudaha u soo galysaa adiga oo faraxsan oo qoslaya,waxaa madax laga dhigayaa iyada oo qabiilka iyo reerka aad ka dhalatay ay dhamaantood kugu wada faraxsan yihiin magacaabistaada,laguuna wada mashxaradaayo.

Maalmaha u horeeya ee Siyaasada waxa aad mashquul ku noqonaysaa,baratakoolka iyo habka ay u socdaan madaxdu,waxa aad ku foognanaysaa tolashada dharka ay madaxdu ku labistaan ee uu ka mid yahay suudka oo aynu waayadan danbe aad u jeclaanay.Waxa aad siyaasada galaysaa adiga oo ahaa nin go’aamo leh,kuna ad adag go’amadiisa uu soo jeediyo,balse waxa aad wakhtiyar ka bacdi arkaysaa adiga oo aan lahayn wax talo ah,go’aamadaada iyo ujeedoyinkagana ay jaan goynayaan cid kasta oo markaasi ka awood wayni.

Waxaa lagu dhiibayaa xafiisyo ay taladooda leeyihiin dadyaw aadan markii hore aqoon buuxda u lahayn, balse markii aad siyasada soo guda gashay iskaa tusay,kuwaasi oo inta badan qalinka iyo warqada aad wax ku qorayso iyagu isu kaa kor hayn doona, kadibna kuu yeerinaaya danta ay iyagu kaa leeyhiin,waana kuwa la yiraahdo beesha caalamka.Hadii aad tahay siyaasi cusub,waxa aad mararka hore la kulmaysaa caqabado iyo culaysyo aadan qaadi karayn,kuwaasi ayaa waxa ay mararka qaar kugu kalifayaan in ay caradaadu badato,balse siyaasi kasta oo cusubi ayaamaha hore waxa uu badsadaa kiniinka madax xanuunka dajiya.

Cida ugu horaysa ee marka aad siyaasada gasho kuu hor nacaya maha kuwii nacabkaaga ahaa,balse waa kuwa kuu xiga qabiil ahaan ama saxiibadaadii kuugu dha-dhawaa,kuwaasi oo markii hore kuu sacaba tumayay, balse hadda xaalku waa uu is badalay.Waxaa nin kasta oo magac iyo mamuus lagu yaqaanay, macna tiri dabinada iyo shirqoolada ka socda madasha siyaasada ee uu ka mid ka yahay,taasina waxa ay keentaa in uu la qabsado kadibna uu ku danbeeyo kuwa wax loo yeeriyo.

Siyaasi kasta oo siyaasada ku cusubi, marka hore waxa uu dadka iyo dalkaba u sheegaa in uu wax qabanaayo,hadiibase ay runtii tahay niyad wanaagna uu shaqada siyaasada ku galay,aakhirka waxa uu arkaa in talada iyo tamarta uu leeyahay aanay shaqayn.Dadka shacbiga ahi waxa ay kuu arkaan libaax,waayo waxa ay markasta ku arkaan adiga oo Baabuurkaaga ama gaarigaaga daaqada lagaa furaayo, laba askarina hareeraha kaa taagan yihiin,balse madaxda iyo cida ku magacawday waxa aad u tahay nin hadba shaqo loo dirto amarkana aan diidin.

Siyaasadu maaha mid lagu raaxaysto,siyaasadu waa soo jeed iyo hurda-la’aan joogta ah,waxa dhici karta in uu ninka siyaasiga ahi uu dayaco gurigiisa iyo caruurtiisa,isaga oo ka door bidaaya in uu fikirkiisa iyo maskaxdiisa galiyo sidii uu dadka,diinta iyo dalkaba wax ugu qaban lahaa.


Siyaasi kasta waxa uu markasta ka fikiraa una muuqda waxyaabo badan oo ay fiicnaan lahayd in uu dadkiisa iyo dalkiisa u qabto,balse taasi waxa ay aakhirka ku danbaysaa Riyo iyada oo lasoo jeedo lagu riyooday,taas macnaheedu maha in uu wax qaban waayay,balse waxaaba dhici karta in maamulka uu ka tirsan yahayba aanu ogolayn in wax la qabto.Waxa aad aragteen in badan iyada oo rag badan oo siyaasiyiina, marka ay wafdiyo dibadaha ugu baxayaan loo goglo Rooga cas,taas macnaheedu maaha in dadka kuu goglayaa ay ku jecel yihiin,laakiin waa siyaasada iyo siraheeda.

Hadaba maxaa inaga qaldan,ma siyaasada ayaa inaga qaldan oo aynaan faham sanayn mise siyaasiga ayaa siyaasada qaldaya,waxa aynu u baahanahay in aynu wax badan ka baaraan degno si aynu inaga lafteenu u kala garano siyaasiga fiican iyo kan xun ee beenalaha ah.

Waxaa ila fiican in ninka siyaasiga ah aynu ku qiimayno wax qabadkiisa, ee aynaan ku qiimayn aftahanadiisa, Illaahay waxa aan ka baryayaa in uu tawfiiqda ina waafajiyo markastana uu inoo dooro kuwa Alle ka baqaya oo dalka iyo dadka wax u qabanaaya.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Khadar Ibraahim Aar.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip