Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo balan qaaday in la furi doono wadooyinka xiran ee Muqdisho

0
Thursday November 12, 2015 - 11:15:08 in Wararka by
  • Visits: 756
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo balan qaaday in la furi doono wadooyinka xiran ee Muqdisho

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa balan qaaday in la furi doono wadooyinka xiran ee ku yaalla magaalada Muqdisho, isagoo cadeeyay in maamulkiisa uu diirada saarayo amniga, nadaafada iyo jid furista.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa balan qaaday in la furi doono wadooyinka xiran ee ku yaalla magaalada Muqdisho, isagoo cadeeyay in maamulkiisa uu diirada saarayo amniga, nadaafada iyo jid furista.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Yuusuf Jimcaale ayaa hadalkan ka jeediyay Munaasabad lagu soo dhoweynayay oo xalay ka dhacday degmada Xamar weyne, taasoo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay.

Mr Yuusuf Jimcaale ayaa sheegay in dhowaan la furi doono jidadka xiran oo ay ugu horeyso wado dhinac marta xarunta dowladda Hoose ee degmada Xamar weyne.

"Annaga waxaan dadka u ballan qaadnay inaan nadaafadda magaalada ka shaqeynayno, inaan amniga ka shaqeynayno, in aan wadooyinka la xir xiray ee gabadha Soomaaliyeed ee foosha qabaneysa ee Isbitaalka dhaqsi la gaarsiin karin oo albaab walba iyo meel walba dhagax lagu goostay inaan fureyno, reer X/weyne waan u billawnay, aqalka dowladda hoose gadaashiisa wadadii ku taallay amniga markii laga sheegtay waxaan dhahnay dadka waddo lagama xiran karo waana furnay”ayuu yiri Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Guddoomiyaha oo sii hadlayay ayaa yiri "Amniga annaga aan suganno ama aan iska dhaafno wax ka dhaxeeya ma lahan, laakiinse ganacsiga lama xirayo, waxaan maanta ballan qaadnay wadada Afka hore ka xiran ee gadaasheena marta ee dhinaca Hotel maleyka inaan ka furno AMISOM meesha ay ka xiratay, annaga waxaan u adeegaynaa shacabka, waxaan nahay adeegayaal, waxaan u adeegaynaa waa shacabka, idinkana waxaan rabnaa inaad nala adeegtiin”.

Shacabka Muqdisho ayaa qaati ka taagnaa wadooyin badan oo xaafadaha mara oo lagu gooyay dhagxaan, waxaana taas ay keentay in haween xaamilo ah ay adkaato in xilli saq dhexe oo fool qabato in dhaqse guryaha laga soo saari waayo, maadaama aanay baabuur geli karin.




yusuf (1)
yusuf (2) yusuf (3) yusuf (4) yusuf (5)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip