Sidoo kale waxaa tagay Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan goobta dabka uu ka kacay Taliyaha Nabad Suggida iyo Taliyaha Booliska, waxayna Saxaafadda u sheegeen in Madaxweynaha uu soo amray inay halkaasi tagaan shacabkana ay la qaybsadaan dhibaatada.
Waxaa la xaqiijiyay labo ruux oo shacab ah inay dabkaasi ku dhinteen, kuwaasi oo ganacsato ahaa iskuna dayaayay inay goobahooda ganacsiga ay badbaadsadaan.
Dabka ayaa la xaqiijiyay inuu baabi’yay hanti badan oo ay lahaayeen ganacsato Somaliyed, kuwaasi oo iminka ku hanti belay dabka Suuqa Bakaaraha qaybo ka mid ah baabi’iyay.
Ciidamada dowladda ayaa jooga goobta dabka uu ka kacay, waxaana dabka meelaha uu saameeyay ka mid ah Suuqa Khaliifa, Qaybta dahabka Bakaaraha, qaybta Maacuunta lagu iibiyo iyo qaybaha kale carwooyinka u dhaw, waxaana dabka goor dhaw lagu damiyay agagaarka Sarta Cali Dheere.
Illaa hadda lama qiimeyn karo Khasaaraha hantiyadeed ee dabkaasi ka dhashay, maadaama weli xaalad kacsanaan ah ay ka jirto Suuqa Bakaaraha.
Dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha oo lagu guuleystay in la damiyo iyo dad ku dhintay
Waxaa goor dhaw lagu guuleystay in la damiyo dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo dadaal ay sameeyeen gaadiidka dab damiska ugu suuragashay in dabka la baqtiiyo.