Madaxweyne Farmaajo dowlada Sacuudiga kala hadlay saldhiga Imaaraadka uu ka sameysanayo Berbera

0
Monday February 27, 2017 - 11:05:46 in Wararka by
  • Visits: 546
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo dowlada Sacuudiga kala hadlay saldhiga Imaaraadka uu ka sameysanayo Berbera

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka dalbaday dhex dhexaadnimo ay ka sameyso Sacuudiga sidii ay ugu qancin lahayd dowladda Isku taga Imaaradka Carabta in aysan dhamaystirin saldhig Milateri ay ka dhisato Dekada Barbera ee maamu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka dalbaday dhex dhexaadnimo ay ka sameyso Sacuudiga sidii ay ugu qancin lahayd dowladda Isku taga Imaaradka Carabta in aysan dhamaystirin saldhig Milateri ay ka dhisato Dekada Barbera ee maamulka Somaliland.
Warbixintan ayaa lagu daabacay barta jariidada Riyad Post ee kaso baxda Sacuudiga waxana ay soo xiganaysa mas’uul ka tirsan xukuumadda oo ka kamid ah wafdigii u raacay madaxweyne Farmaajo dalka Sacuudiga booqashadii rasmiga aheyd uu ku tagay waxana uu shaaca ka qaaday in Farmaajo uu mas’uuliyiinta Sacuudiga uu ka dalbaday inay ku qanciyaan dowladda Imaaradka inaysan wax hormar ah ka sameyn qorshaheeda ku aadan inay saldhig militry ka dhisato deganada maamulka Somaliland ee doonaya inay madax banaani Soomaaliye inteedi kale ka qaataan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah waxaa uu arrintan kala hadla kuxigeenka dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salman Bin Cabdi Casiis oo ah Wasiirka Gaashaandhiga, waxaana kulankan goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha dibada Sacuudiga Caadil Axmed Al-jubeyr iyo mas’uuliyiin sar sare oo boqortooyada ka tirsan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka faaideysanaya xirirka adag ee u dhaxeeya Sacuudiga iyo Imaaradka si Imaaradka uga tanaasulo saldhiga Milateri ee Berbara ka hirgilinayo kadib marki Barlamanka Somaliland ay ansixiyeen heshiiska Somaliland iyo imaaradka ee quseeya dhismaha saldhiga taa oo ay madaxda Soomaaliya ka carootay kuna tilmaamen inaysan ahayn mid sharci ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip