Shirkada DP world oo shaqada ka eriday boqolaal ka tirsanaa shaqaalada dekeda Berbera

0
Monday February 27, 2017 - 10:58:04 in Wararka by
  • Visits: 427
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkada DP world oo shaqada ka eriday boqolaal ka tirsanaa shaqaalada dekeda Berbera

    Shirkada DP world ee dhaewaan lagu wareejiyay maamulka dekeda Berbera ayaa shaqada ka eriday boqolaal ka tirsanaa shaqaalada dekedaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkada DP world ee dhaewaan lagu wareejiyay maamulka dekeda Berbera ayaa shaqada ka eriday boqolaal ka tirsanaa shaqaalada dekedaa.
250 shaqaalahaa ah ayaa shaqadii ay ka ruqseysay si aan soo noqosho lahayn. Shirkadaa ayaa maamulka Somaliland kula heshiiyay inay dekeda maamusho muddo 30 sano ah
.

Shirkadaa ayaa waxaa laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta ee UAE.

Shirkadaa ayaa maamulka lagu wareejiyay ee dekeda wuxuu murano ba'an ka dhex dhaliyay bulshada Somaliland.

Waxaa kaloo asna muran ka taagan yahay saldhig looga ogolaaday ciidamada UAE inay ku yeeshaan Berbera.



Berbera ayaa waxaa ka xamaalan jiray ilaa 950 shaqaale ah kuwaasoo qoysaskooduna ku tiirsanaayeen hase ahaatee waxaa iminka sidaa lagu ruqseeyay qiyaastii 25% shaqaalahaa ka tirsanaa.

Shaqaalaha la ruqseeyay ayaa loo sheegay inaan adeegyadii ay halkaa ka wadeen loo baahneyn wixii hada ka dambeeya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip