Xildhibaan Jeesow "Waa in Baarlamaanka uu soo saaraa qaraar Ciidamada Kenya dalka looga saarayo"

0
Thursday November 12, 2015 - 11:07:55 in Wararka by
  • Visits: 610
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Jeesow "Waa in Baarlamaanka uu soo saaraa qaraar Ciidamada Kenya dalka looga saarayo"

    Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Guddiga Arrimaha Gudaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in Baarlamaanka uu soo saaro qaraar dalka looga saarayo Ciidamada Kenya, ka dib markii uu ku eedeeyay in dowladda Kenya ay ku soo xadgudubtay xu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Guddiga Arrimaha Gudaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in Baarlamaanka uu soo saaro qaraar dalka looga saarayo Ciidamada Kenya, ka dib markii uu ku eedeeyay in dowladda Kenya ay ku soo xadgudubtay xuduuda, isla markaana qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed ay dhisaneyso.

Mr Jeesow ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM aanu Baarlamaankii hore iyo midka hada midna keenay, isla markaana wax ogolaansho oo dalka ay ku soo galeen siinin.

"Waxaa xaqiiq ah in Ciidamada Kenya Baarlamaankii hore ma keenin, kuwa Itoobiya ma keenin waana arkeysaan nin dhulkaaga dhinac ka dhisanaya oo maanta aad leedahay walaalkee waaye, Kismaayo ayuu ii difaacayaa iyo Beledweyn ii difaacayaaa xaqiiqda ma ahan taas, madaxnimo jaceyl nagu jirto”ayuu yiri Dahir Amiin Jeesow.

Waxaa uu sheegay dad ay u hoosaasinayaan Kenya, isla markaana dalal badan oo shisheeye ay ku garab siinayaan, waxaana uu ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay taas ku baraarugaan, kana dhiidhiyaan.

"Dad baa noo hoosaasinooyo umadda soomaaliyeed iyo shacabkeeda waa arkaan dadkaas ciidamada Kenya mar hadii badda ay soo gashay, dhulkiina ay hada ku darsan rabto waa in Baarlamaanka Federaalka uu ka soo baxaa qaraar dalka looga saarayo”ayuu si kulul u yiri Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow.

Dhinaca kale Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa isna ugu baaqay shacabka inay hubkooda qaataan, oo ay u dagaalamaan xoriyad, maadaama aan Baarlamaan iyo xukuumad awood u laheyn inay xuduuda difaacaan, isagoo ku dhaliilay in Xukuumadda ay go’aankooda god ku riday.

Dadka degan degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa soo sheegay in dowladda Kenya ay ku soo durugtay xadkii u dhexeeyey labada dal ee ku beegnaa inta u dhaxaysa magaalooyinka Balad-Xaawo ee Soomaaliya iyo Mandheera ee Kenya, waxaana la sheegay in la tirtirtay calaamado muujinaya halka uu xadku ku eg-yahay, iyaga oo gudaha Soomaaliya ku soo durgaya, iyadoo loo maleynayaa in qorshaha Kenya uu yahay in xadka dhulka ay la sinto kan badda, si labada xuduud ay isku waafaqaan, si ay taas uga saacido muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee Guddiga arrimaha Gudaha iyo kan Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka ayaa maanta lagu wadaa inay kulan ka yeeshaan arrinta ku aadan darbiga Kenya ay ka dhiseyso xuduuda oo la sheegay inay gudaha u soo gashay qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip