QM oo soo dhaweysay soo jeedin ah in Soomaaliya lagu abuuro bataati adkeysi u leh abaaraha

0
Saturday February 25, 2017 - 14:23:40 in Wararka by
  • Visits: 644
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QM oo soo dhaweysay soo jeedin ah in Soomaaliya lagu abuuro bataati adkeysi u leh abaaraha

    QM ayaa soo dhaweysay soo jeedin ah in Soomaaliya lagu abuuro bataati adkeysi u leh abaaraha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

QM ayaa soo dhaweysay soo jeedin ah in Soomaaliya lagu abuuro bataati adkeysi u leh abaaraha.

Dadaalka lagu abuurayo bataatigaa adkeysiga u leh abaarta iyo saameynteeda ayaa waxaa wada laanta socdaalka ee QM ee IOM. Waxaa kala shaqeyneysa hayad maxali ah oo lagu magacaabo READO.

Bataatigaa oo loo yaqaano magaca OFSP ayaa awooda inuu ka baxo dhulalka roobku ku yar yahay.

Waxaa iminka la damacsan yahay in lagu bilaabo abuuritaanka bataatigaa magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda.

Cabdullahi Cabdiraxmaan oo ka tirsan READO ayaa sheegay in abuuritaanka bataatigaa lagu abuurayo Baydhabo iyo nawaaxigeedu yahay dadaal qiimo weyn ugu fadhiya bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Baydhabo.

Wuxuu intaa ku daray in uu bataatigaasi ka caawin doono barakaceyaasha dhanka maciishada.

'Waxaanu ka codsanaynaa hayadaha samafalka ee caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba inay taageeraan dadaalkaan'. Sidaa ayuu yiri Cabdullaahi.

Bataatiga OFSP ayaa waxaa kujira Fiitamiin A iyo nafaqooyin kale oo u roon carruurta iyo dadka waaweyn intaba.

IOM ayaa kasokow inay tahay hayad ka shaqeysa arimaha socdaalka soo waday dadaal looga hortagaayo raashin yarida Soomaaliya ka jirta laga soo bilaabo sanadkii 2011.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip