Qaad yari ka jirta Magaalada Muqdisho iyo qiimo koror ku yimid qiimihii la kala siisan jiray

0
Saturday February 25, 2017 - 14:18:00 in Wararka by
  • Visits: 499
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaad yari ka jirta Magaalada Muqdisho iyo qiimo koror ku yimid qiimihii la kala siisan jiray

    Qaad yari, ayaa waxaa maanta laga dareemayaa suuqyada qaadka lagu iibiyo ee Magaalada Muqdisho, iyadoo dhanka kalana uu qiimo koror ku yimid qiimihii la kala siisan jiray qaadka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaad yari, ayaa waxaa maanta laga dareemayaa suuqyada qaadka lagu iibiyo ee Magaalada Muqdisho, iyadoo dhanka kalana uu qiimo koror ku yimid qiimihii la kala siisan jiray qaadka.

Iyadoo maalin kasta ay Magaalada Muqdisho ka deggi jireen dhawr iyo toban diyaaradood oo qaad sida, ayaa waxaa maanta ka degay laba diyaaradood oo qura. Tani waxaa sabab looga dhigay Dowladda Somaliya oo kordhisay canshuurta lagu canshuuro qaadka.

Dowladda, ayaa bartamihii bishan ganacsatada qaadka ku wargelisay in laga bilaabo Sabtida maanta ay kordhineyso canshuurihii laga qaadi jiray ganacsatada qaadka ka keenta dalka Kenya.

Ganacsatada qaadka oo ka jawaabaya cabashadooda ku aadan inaanay bixin karin canshuurta dheeriga ah ee lagu soo rogay, ayaa bilaabay in ay shaqo joojin sameeyaan, si ay culeys ugu saaraan dowladda.

Ganacsato fara ku tiris ah oo ka faa’iideysanaysa qaad yarida Magaalada Muqdisho, ayaa maanta qaad yar ka keentay Magaalada Nairobi.

Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho, ayaa soo sheegaya in laba laab uu ku yimid qiimihii qaadka la kala siisanaayay, suuqyada qaarkoodna lagu iibinaayo qaad baarixi ah, oo midkii xalay ka soo haray.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip