Maamulka Gobolka Banaadir Oo Dib u Furaya Waddooyinkii Loo Xirey Doorashooyinka

0
Saturday February 25, 2017 - 14:10:50 in Wararka by
  • Visits: 441
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka Banaadir Oo Dib u Furaya Waddooyinkii Loo Xirey Doorashooyinka

    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ku amray guddoomiyeyaasha degmooyinka in ay furaan dhammaan waddooyinka loo xirey doorashooyinka iyo sidoo kale caleema saarkii madaxweyne Farmaajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ku amray guddoomiyeyaasha degmooyinka in ay furaan dhammaan waddooyinka loo xirey doorashooyinka iyo sidoo kale caleema saarkii madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in waddooyinkaasi loo xirey arrimo amniga ku saabsan maadaama dalka doorasho ku jirey, waxaana uu sheegay in meel walbo oo xiran looga baahan yahay guddoomiyeyaasha iney furaan.

"Waxaan ognahay xilliyadii doorashada lagu jirey amniga dartiis meello badan ayaa loo xirey, waxaan leenahay waddo walba oo muhiim ah oo cad ama Laami ah in laga qaado waxyaabaha yaalla, maamul walbo oo degmo u baxaan iney xaafadahooda galaan oo ay qaadaan waxyaabaha shacabka ku dhibtoonayaan, laamiyadii xirnaa wey furan yihiin kuwa dhimanna waa la furayaaā€¯ ayuu yiri gudoomiye Jimcaale.

Waxaa jira jidcadayaal badan oo ku yaalla degmooyinka magaalada Muqdisho oo illaa hadda aan laga qaadin dhagxaantii iyo sidoo kale carradii uu maamulka gobolka ku jiray xilligii doorashada.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa aad ugu dhib qabay waddooyinkaasi xiran, balse waxay hadda rajeynayaan in dib loo furo maadaama maamulkii xirey hadda ay sheegeen in la furayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip