Goobaha Dambi Baarista Puntland oo La Ogaaday in Dadka Lagu Jirdilo

0
Saturday February 25, 2017 - 13:47:47 in Wararka by
  • Visits: 448
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goobaha Dambi Baarista Puntland oo La Ogaaday in Dadka Lagu Jirdilo

    Xaaladda caafimaad ee 7 dhalinyaro ah oo hore xukun dil ah loogu xukumay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa lagu tilmaamay mid aad u liidata ka dib markii qaar ka mid ah jirdil loo gaystay intii ay ku sugnaayeen goobaha dambi baarista.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaaladda caafimaad ee 7 dhalinyaro ah oo hore xukun dil ah loogu xukumay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa lagu tilmaamay mid aad u liidata ka dib markii qaar ka mid ah jirdil loo gaystay intii ay ku sugnaayeen goobaha dambi baarista.

Nabaddoon C/qaadir Axmed Xarago oo ah afhayeenka odayaasha dhaqanka ee gobolka Bari oo la hadlay laanta afka Soomaliga ee VOAda ka dib markii uu dhalinyaradaasi xabsiga ku booqday ayaa sheegay in xaaladooda ay aad u liidato islamarkaana lagula kaco falal ka baxsan Bini’aadanimada.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda Puntland fadhigeeda Bosaso ayaa dhawaan xukun dil ah ku riday 7 dhalinyaro oo ay sheegtay inay ahaayeen dadkii ka dambeeyay dilalkii Bosaso loogu geystay, agaasimihii madaxtooyada Bosaso, taliye ku xigeenkii labaad ee ciidanka booliska iyo xeer ilaaliyiihii maxkamada ciidamada.

Dhalinyarada iyo Xukunkooda ayaa U dhacay Sidan :


1. Nuuradiin Axmed samatar Deerow (dadiisu 20 sano jir)
2. Ayuub yaasin cabdi ( dadiisu 32 sano jir )
3. Cali Ismaaciil cali (Cali gaab) (20 sano jir )
4. Xasan Aadan Xasan Maxamed (dadiisu 22 sano jir )
5. Cabdixakiin Maxamed Aways (dadiisu 24 sano jir )
6. Maxamed Yaasin Cabdi Maxamud (dadiisu 17 sano jir )
7. Daa uud siciid sahal (dadiisu 18 sano jir )



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip