Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda oo Muqdisho lagu dilay
Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/qaadir Jiis, wuxuuna ka tirsan yahay ciidamada Millateriga Dowladda Federalka Somaliya.
Meydka Sarkaalkaasi ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, iyadoo raggii ka dambeeyay dilka Sarkaalka ay halkaasi isaga baxsadeen.
Goobta dilka uu ka dhacay waxaa durba gaaray ciidamada Nabad Suggida ee Tarabuunka Fariisinka ku leh, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano aanan wax natiijo ah laheyn.
Dilalka qorsheysan iyo falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka caasimada Muqdisho ayaa soo badanaya, iyadoo habeen hore Muqdisho lagu dilay Guddoomiyihii Maxkamada Degmada Dharkiinleey oo Yaaqshiid lagu dilay.
Waxaa muuqata in laamaha ammaanka Dowladda Somaliya ay ku fashilmeen wax ka qabashada xaaladaha ammaan ee Muqdisho, gaar ahaan Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka in gaabis badan uu ku yimid shaqadii ay haysay.
XIGASHO:-DHACDO.COM
Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda oo Muqdisho lagu dilay
Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Magaalada Muqdisho Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda Federalka Somaliya, ayaa waxaa lagu dilay Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xaafada loo yaqaan KPP.