WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 12-KA NIVEMBAR 2015-KA
Xildhibaan Aadan Madoobe oo ka hadlayay kulan Baarlamaanka Soomaaliya uu shalay ka yeeshay darbiga ay kenya ka dhisaneyso xuduuda Soomaaliya, ayuu sheegay in loo baahan yahay in si ficil ah looga soo horjeesato.
"Aniga waxaa igu jira dareen ah in dad Soomaaliyeed oo mas’uuliyiin ah ay barnaamijkan Kenya ay ku taameyso qeyb ka ah, isla markaana hoos kula wada, wixii loo sheego ma ogi cid kasta ha noqoto dad soomaali ayaa barnaamijkan dalaal ka ah oo ku dhex jira”ayuu yiri Aadan Madoobe.
Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay Baarlamaanka Soomaaliya in arrintan ay il gaar ah ku eegaan, isla markaana aan la dhayalsan.
"Baarlamaanka sharafta lahow arrintan aan fiirino dhul ciyaar ciyaar ma ahan, yacnii Soomaaliya si kasta ha u bur burto waa dad wadaniyiin ah oo xor ah oo deegaankooda iyo dalkood ay iyaga leeyihiin, dadka arrintaas damcay iyo dadka arrintan daba jooga oo raalli ku ah in Kenya dhulkeena goostaan oo ah Baddeena meelaha kheyraadka lagu sheego, waa ogtihiin hada ka hor baarlamaankii KMG ee aan Guddoomiyaha ka ahaa meesha uu arrintan dhigay, dad ayaa raba inay arrintaas soo nooleeyaan”ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.
Dhinaca kale qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka dalbaday in muddo 24saac gudahood uu dalka ku soo galo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, waxaana Xildhibaanada ka dalbadeen dowladda Kenya inay joojiso darbiga ay ka dhiseyso xuduuda.
Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar ayaa sheegay in arrinta ku aadan darbiga ay kenya ka dhiseyso Soomaaliya ay ka doodi doonaan maalinta maanta oo khamiis ah, Guddiyada arrimaha dibadda Baarlamaanka iyo Guddiga Arrimaha Gudaha, wixii go’aan ka soo baxana la soo saari doono.
Dadka degan degmada BaladXaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ku soo durugtay xadkii u dhexeeyey labada dal ee ku beegnaa inta u dhaxaysa magaalooyinka BaladXaawo ee Soomaaliya iyo Mandheera ee Kenya, waxaana la sheegay in la tirtirtay calaamado muujinaya halka uu xadku ku egyahay, iyaga oo gudaha Soomaaliya ku soo durgaya, iyadoo loo maleynayaa in qorshaha Kenya uu yahay in xadka dhulka ay la sinto kan badda, si labada xuduud ay isku waafaqaan, si ay taas uga saacido muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.
SHARIIF XASAN SHEEKH AADAN OO KA BADBAADAY WEERAR ISMIIDAAMIN AH
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa wuxuu casir liqii galabta uu ka badbaaday weerar ismiidaamin ah, oo masuuliyadiisu ay sheegatay Al Shabaab.
Kolonyo uu la socday Madaxweynaha oo ka yimid Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose, kuna soo sii jeeday Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa weerarkan lagula beegsaday halka loo yaqaano bood boodka, oo qiyaastii 5km u jirta Degmada Afgooye.
Ciidankii galbinaayay Madaxweynaha oo ka shakiyay gaari SURF ahaa oo loola dan lahaa in lala beegsado gaarigii uu Madaxweynuhu saarnaa, ayaa rasaas xoogan ku furay, iyadoona uu gaarigaasi ku qarxay meel waxooggaa ka durugsan wadadii uu haystay gaarigii Madaxweynaha.
Weerarkan, ayaa waxa uu waxyeelo ka soo gaaray gaari rakaab ahaa, markii gaariga qaraxa uu u soo weecday halkii uu maraayay gaarigaasi, iyadoona uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.
Kolonyadii uu Madaxweynuhu la socday, ayaa markale ka badbaaday qarax wadada dhinaceeda lagu aasay, waxaana qaraxaasi lagula beegsaday markii ay marayeen halka loo yaqaano Calamadaha.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Maxamed Xaaji Xuseen (Shiine), ayaa wuxuu xaqiijiyay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ka badbaaday weerar ismiidaamin ahaa, oo Shabaabku ay soo abaabuleen.
Afhayeenka, ayaa wuxuu kaloo xaqiijiyay in Madaxweynuhu uu ka badbaaday qaraxii labaad ee loogu diyaariyay wadada Calamadaha, islamarkaana uu Maqribkii gaaray Magaalada Muqdisho.
Maxamed Shiine, ayaa wuxuu beeniyay wararka sheegaya in wefdiga Madaxweynuhu uu ku waxyeeloobay weerarka ismiidaaminta ah, isagoo intaa ku daray in khasaaruhu uu ku egyahay gaarigii dadweynaha.
Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa waxa uu shalay uu xaflad kaga qaybgalay Degmada Afgooye, taasoo uu ku soo magacaabay Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali. Shariif Xasan ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyihii Gobolka Shabellaha Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii).
Weerarkan, ayaa noqonaayo midkii saddexaad oo uu ka badbaado Shariif Xasan sanadkan oo keliya. 13kii bishii March, ayuu ka badbaaday weerar isqarxin ah oo lagu qaaday Madaxtooyada Baydhabo iyo weerar kaloo 18kii May ka dhacay isla wadadii shalay lagu weeraray.
XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA OO DOOD KULUL KA LEH DARBIGA KENYA AY KA DHISEYSO XUDUUDA
Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xilligan dood kulul ka leh Darbiga ay Kenya ka dhiseyso Xuduuda, waxaana ajandaha kulankii shalay uu qeyb ka ahaa darbiga, kadib markii ay soo baxday in Kenya ay ku soo durugtay xadka Soomaaliya, isla markaana tirtirtay calaamadihii xadka ee dhinaca Beledxaawo.
Qaar ka mid ah Xildhibaanadii ka hadlay kulanka ayaa sheegay in aan la aqbali karin arrintan, isla markaana darbiga Kenya ka dhiseyso xuduuda uu qeyb ka yahay damaceeda ku wajahan Badda.
Xildhibaan Aadan Madoobe oo ka mid ahaa Xildhibaanadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in xilligii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ahaa ay ka horyimaadeen heshiiskii Badda, isla markaana haatan ay Kenya soo cusbooneysiisay heshiiskaas,
Sidoo kale Xildhibaano kale ayaa ugu baaqay Xukuumadda in arrintan ay si deg deg ah uga hadasho, una yeerto Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, si wax looga weydiiyo darbiga Kenya ka dhiseyso Xukuumadda. Dadka deggan degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ku soo durugtay xadkii u dhexeeyey labada dal ee ku beegnaa inta u dhaxaysa magaalooyinka Beled Xaawo ee Soomaaliya iyo Mandheera ee Kenya.
Wararka ayaa intaa ku daraya in la tirtirtay calaamado muujinaya halka uu xadku ku egyahay, iyaga oo gudaha Soomaaliya ku soo durgaya, waxaana loo maleynayaa in qorshaha Kenya uu yahay in xadka dhulka ay la sinto kan badda, si labada xuduud ay isku waafaqaan, si ay taas uga saacido muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee kulanka Baarlamaanka oo wali socda, isla markaana goor dhoweyd laga soo laabtay salaadii duhur ayaa waxaa uu yahay mid ka duwan kulamadii hore, maadaama saacado dheeraad ah uu galay dooda ay Xildhibaanada leeyihiin.
ERGAYGA CHINA EE QM OO KU BAAQAY IN LA SAACIDO DADAALLADA LAGU SOO CELINAYO NABADDA SOOMALAIYA
Ergayga Shiinaha ee QM, Liu Jieyi ayaa ku baaqay in la xoojiyo howlaha lagu soo celinayo nabadda iyo xasilloonida Somaliya, isagoo xusay in taasi ay muhiim u tahay in Somalia ka baxdo colaadihii muddada fog ka taagnaa.
Lui Jieyi ayaa xusay in Beesha Calaamka ay taageeraan dalka Soomaaliya iyagoo raacaya mabaa’dida hoggaanka Somalia iyo weliba waxyabaaha ay doonayaan, wuxuuna ka digay in qorshaha caawinta Soomaaliya uu noqdo mid ay caalamku keenaan.
"Shiinuhu wuxuu ugu baaqayaa Beesha Caalamka inay caawiyaan Somalia iyagoo raacaya mabaa’dida hogaamineed ee Somalia iyo qorshayaasha sida gaarka ah u doonayaan in laga caawiyo Somalida,” ayuu yiri Liu Jieyi oo ka hadlay shir looga hadlayay arrimaha Somalia oo ka dhacay xarunta QM.
Wakiilka ayaa wuxuu sidoo kale ku baaqay in dowladda federaalka Somalia laga caawiyo dadaalada ay ugu jirto xoojinta hay’adaha xukuumadda, howsha lagu dhisayo maamullada gobollada dalka iyo dib u heshiisiinta.
"Innagu waxaan rajeynaynaa in dhammaan dhinacyada Soomaaliya ay ka shaqeyn doonaan danta guud ee Mustaqbalka dalkooda iyo dadkooda; khliaafyada jirana ay ku xalliyaan hab wadahadal iyo wadatashi ku dhisan, ayna si wadajir ah u ilaaliyaan xasiloonida dalkooda,” ayuu hadalkiisa ku daray Jieyi.
Hadalka ergayga China ee QM ayaa kusoo beegamaya iyadoo uu daraad ku baaqay ergayga Ruushka ee QM in la xoojiyo dagaallada ka dhanka ah Alshabaab, si loosoo celiyo amniga iyo kaladambeynta Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Golaha Amaanka ee QM ayaa Isniintii lasoo dhaafay waxay ku dhawaaqeen qaraar lagu dhisayo xafiiska taageerada Somalia ee UNSOS, kaas oo lagu bedelay xafiiskii
Taageerada QM ee AMISOM UNSOA. Xafiiskaan cusub oo Taageeri doona hawlgallada wadajirka ah ee ciidanka AMISOM iyo kuwa Somaliya
WEBIGA SHABELLE OO FATAHAAD KA SAMEEYAY DEGMADA JALALAQSI
Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa ku soo warramaya in Fatahaad uu webiga Shabelle ka sameeyay degmadaasi.
Webiga ayaa mara Bartamaha Magaalada Jalalaqsi taas oo dadka halkaas ku dhaqan ay walaac ka muujinayaan in Webiga uu kala jaro Magaalada.
Guddoomiyaha Degmada jalalaqsi Max’ed Cabdulle Fiidowoo aan qadka Taleefanka kula xiriirnay ayaa sheegay in cabsi xoog leh ay shacabka degmadiisa la soo daristay.
" waxaa noogu daran webiga oo bartamaha Magaalada marka islamarkaana keeni kara in Magaalada ay kala go’do” sidaas waxaa sheegay guddoomiyaha Jalalaqsi Max’ed Cabdulle Fiidow. Xilli roobaadka deyrta oo la guda galay ayaa loo sababeeyaa fatahaadda webiyada dalka oo uu ka mid yahay Webiga Shabelle.
GURI KU YAALLA DEGMADA X/WEYNE OO KUSOO DUMAY DADKII DEGANAA
Mid ka mid ah guryaha ku yaalla degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan Waaxda Horseed, Laanta Labaad ayaa lagu soo waramayaa in gelinkii hore ee shalay uu soo dumay halkaasi oo uu ka dhashay khasaare dhaawac ah.
Laba qof oo ka mid ah dadkii deganaa guriga dumay ayaa dhaawac fudud kasoo gaaray sida uu inoo sheegay gudoomiyaha Degmadaasi C/qaadir Maxamed C/qaadir.
Guriga dumay ayaa dhismahiisu waxa uu ahaa mid dhisan ku dhawaad 100 sano, waxaana degmadaasi u badan guryaha dhismahooda uu fogyahay, misane aan weli la dayactirin.
KORNEYL MAXAMED KAARIYE "SHABAAB WAXAY DILEEN LIX ASKARI OO DHANKOODA U GOYSTAY”
Saraakiisha ciidamada Dowladda Federalka Somaliya aaga Degmada Ceel buur ayaa sheegay Shabaab inay dileen lix Askari oo ka tirsanaa ciidamada Dowladda Federalka Somaliya, kuwaasi oo u goystay dhanka Ururka Shabaab.
Isaga oo u waramaayay Idaacada Shabelle ee Magaalada Muqdisho Korneyl Maxamed Kaariye Dhega dheere, wuxuu tilmaamay lixdaan Askari ee Shabaabka ay dileen inay ka mid ahaayeen ciidanka Millateriga ee laga keenay Magaalada Muqdisho ee loo keenay inay Shabaab ka saaraan Gobolka Galgaduud.
Wuxuu sheegay ciidankaasi lixda Askari ah ee Shabaabka ay dileen inay markii horeba ay ahaayeen Shabaab sida uu hadalka u dhigay, laakiin markii ay Shabaab u goysteen in lagu abaalmariyay dil.
" Markii horeba waxa ay ahaayeen Al Shabaab, iyagaana is dilay ee ma’ahan Ciidamo dowladeed.” Ayuu yiri Korneyl Max’ed Kaariye Dhega dheere.
Ciidamadan lixda ah ee Shabaabka ay dileen, ayaa sida la sheegay ka mid ahaa ciidankii Muqdisho Dowladda ay ka dirtay ee la geeyay Magaalada Beladweyne duleedkeeda, kadibna loo sii gudbiyay Gobolka Galgaduud si dagaalka Shabaabka halkaasi ay uga sii wadaan.
Shabaab weli kama aysan hadlin lixdaan Askari ee la sheegay inay dileen, kuwaasi oo isku dhiibay ciidamada Shabaabka.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ayaa dagaal waxa ay ka wadaan Gobolka Galgaduud, si ay Gobolkaasi uga saaraan Shabaabka xidida ku leh.
KOLONYO UU LA SOCDAY MADAXWEYNAHA KOOFUR GALBEED OO QARAX LAGULA EEGTAY DULEEDKA MUQDISHO
Wararka aan ka heleyno deegaanka Carbiska ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa ku soo warramaya in Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen Masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan qarax ismiidaamin ah lagula qaaday halkaasi.
Ilo deegaanka ah oo Shabelle la hadlay qaraxa kadib ayaa xusay in ay indhahoodu qabanayeen Uuro xoogan iyagoo maqlayay rasaas xoogan oo ay furayeen Ciidamadii la socday kolonyada la weeraray.
Ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxaasi ismiidaaminta ah iyadoona durba Ciidamadu ay xireen meesha ay wax ka dhaceen.
Dhinaca kale wax yar kadib qaraxaasi ayaa weerar kale oo ismiidaamin ah waxaa Ciidamada AMISOM lagula eegtay nawaaxiga 5ta Golaha sare halka loo yaqaan oo hoostagta deegaanka Lafoole ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Isna ma cadda khasaaraha ka dhashayiyadoona wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye caawa lagu arkayo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo dhaq dhaqaaqyo halkaas ka billaabay.
MAREYKANKA OO MALAAYIIN DOLLAR DUL DHIGAY HOGAAMIYAYAASHA UGU SAREEYA AL SHABAAB
Dowladda Mareykanka, ayaa 27 milyan oo dollar duldhigtay madaxyada 6 Hogaamiye oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab.
Mareykanka, ayaa 6 milyan oo dollar duldhigay Abuu Cubeyda oo ah Hogaamiyaha Ururka Al Shabaab, halka 5 milyan la duldhigay ku xigeenkiisa Mahad Karatay kaasi oo kaalin wey ka qaatay 2da Bishii April Weerarkii Cuslaa ee lagu qaaday Xarunta Jaamacdda Magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari Dalka Kenya.
Min 5 million oo doolar waxuu Mareykanka, duldhigay madaxyada, Xasan Afgooye oo Al Shabaab u qaabilsan isku xirka dhanka dhaqaalaha Dibadda iyo Macallin Daa’uud, oo isna lagu sheegay in Al Shabaab mas’uul uu uga yahay Tababarada iyo howlgallada ka dhanka ah danaha Reer Galbeedka.
Sidoo kalana waxaa min saddex milyan oo dollar la duldhigay madaxyada Axmed Imaan Cali oo qaabilsan qorsata dhalinyarada Kenyaan iyo soo uruurta dhaqaalaha iyo Macallin Salmaan oo isna la sheegay in uu yahay Hogaamiye Al Shabaab u qaabilsan Dagaal yahanada Ajaaniibta ee Afrikaan ah kuwaasi oo ku jira Xarakada.
Sikastaba, Hadalkan , ayaa gelinki dambe ee Daraad waxaa lagu shaaciyay bayaan ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.
IN KA BADAN 100 QOF OO LAGU QABTAY HOWLGAL AY CIIDAMADA DOWLADDA KA SAMEEYEEN DEGMADA X/WEYNE
Ciidamada Booliiska ayaa howlgal ballaaran waxa ay ka sameeyeen degmada X/weyne ee gobalka Banaadir shalay ku Saddex, iyadoo howlgalkaan lagu soo qabtay 110 qof.
Gudoomiyaha degmada X/weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir ayaa sheegay in howlgalkaan lagu bartilmaameedsanayay dadka Iibiya waxyaabaha maanka dooriya, iyo sidoo kale dadka iibiyay Taleefanada gacanta ah ee lasoo dhacdo.
Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in dadkani ay soo qabteen loo gudbiyay saldhiga Bari ee magaalada Muqdisho, islamarkaana howlgalkaan uu socday muddo Seddax Maalin ah.
"Howlgalkaan waxaan billawnay maalin kahor, shalay Seddax ayuu socday, waxaa lagu bartilmaameedsnayaa dadka isticmaala maandooriyaha, kuwa iibinaya, kuwa iibiya Mobilada lasoo dhacay, illaa Ceelgaabta ayaan tagnay” ayuu yiri gudoomiyaha.
Dadka xiran ayuu sheegay inay ku jiraan shacab iyo ciidan, sidoo kalane ay hayaan dad uu sheegay in ay ahaayeen kuwa ugu waaweyn ee maandooriyaha Calaqa iibin jiray.
Dhinaca kale howlgalkaan ayaa lagu soo qabtay Caagag ay ka buuxaan waxyaabaha maanka dooriya ee calaqa iyo sidoo kale Haween la sheegay inay Iibinayeen waa sida uu hadalka u dhigaye.
Ugu dambeyn Gudoomiye C/qaadir ayaa uga digay cid walba oo ku howlan arrimaha ku aadan calaqa iyo kuwa Iibiya Mobilada la dhacay inay ka waantoobaan, hadii ay arkaanna ay xabsiga u taxaabi doonaan.
MAXKAMADDA CIIDAMADA QALABKA SIDA OO XUKUNNO DIL SHALAY RIDAY
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa shalay xukunno ku riday Ciidamo ka tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliyeed kuwaas oo lagu soo oogay dambiyo dilal sharci darro ah oo ay geysteen.
Guddoomiyaha Maxkamadda darajada Koowaad Xasan Max’ed Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in 2 Askari ay ku rideen xukun dil ah , halka 2 kale la fasaxay markii wax dambi ah lagu waayay.
Askarta xukunka dilka ah lagu riday ayaa kala ah Ex Dable Xooga Isaaq Maxamed Xaashi oo horay u dilay Marxuum la odhan jiray Macalin Aadan Ibraahin Cabdulle, waxaana Isaaq Maxamed Xaashi lagu xukumay dil toogasho ah.
Askariga labaad ayaa waxaa lagu magacaabaa Labo Xidigle Muxudiin Maxamuud Calasoow Ciid, wuxuu horau u dilay Siciid Cali Maxamed.
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa inta badan xukunno dil ah ku rida kuna fulisa Ciidamada iyo dadka kale ee iyagoo hub waxyeello ku sameeyay la soo qabto.
GUDOOMIYAHA HIIRAAN "XERADII DARAAWIISHTA GOOB DAN GUUD AH BAA LOO BEDALAYAA”
Gudoomiyaha gobalka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo kormeer ku tagay xeradii ciidamada Daraawiishta ee magaalada B/weyne oo dood badan ka taagneed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay waxa ay ka doonayaa xeradaasi iyo waxa ka jira in xubno isagu ka mid yahay ay sii iibinayaan.Waxa uu sheegay marka hore in Xeradaasi bedalkeeda ay taliska Booliiska Soomaaliyeed ku wareejiyeen dhul kale oo aad u weyn, islamarkaana iyagu ay damacsan yihiin in meeshii Xerada ahayd laga dhigo xarumo bulshada loogu adeego.
Howshaan uu ka wada magaalada B/weyne iyo arrimaha la xiriira xerada Daraawiishta ayuu sheegay in ay wax ka ogyihiin madaxda sare ee dalka, waa sida uu hadalka u dhigaye.
"Meeshaan ma noqon karto meel ciidan lagu tababaro, mana noqoneyso, anaa mas’uul ka ah shacabka Hiiraan oo la’igala xisaabtamayaa, waxaan ka dhigeynaa meel danta guud loogu adeego, hadda waxaa ku yaalla Iskuul ay dhigtaan 2,500 oo arday, wax ka wanaagsan miyaa jira, inaan sii maalgelinno ayaan rabnaa, waxaan dhisnay garoon ciyaareed aad u weyn, sidoo kale waxaan ka dhiseynaa halkaan suuqyo waaweyn sida Kawaan, bakhaaro iyo dukaamo” ayuu yiri Gudoomiye Afrax.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka magaalada B/weyne ayaa ka digay in la iibsado dhulka xeradii Daraawiishta, xilli gudoomiye Afrax uu isna sheegayo in shacabka loogu adeegi doono.
TALIYAHA BOOLISKA SOMALIYA OO KORMEERAY XARUMO LAGU TABABARO BOOLISKA SUDAN ..
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya, General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo booqasho rasmi ah ku joogga Magaalada Khartoum, ayaa booqday xarumo lagu tababaro Ciidanka Booliska Sudan.
Taliyaha, ayaa waxa uu kormeeray goobo ay ka mid yihiin Xarunta weyn ee keydka Booliska Sudan, Xarunta Hay’adda Tababarada Ciidanka Booliska iyo Xarunta Kulliyada Cilmiga Booliska & Qaanuunka oo ka tirsan Jaamacadda Ribaad.
Ardayda wax ka barata xarumahaasi, ayaa soo bandhigay qaabka ay wax u bartaan, haddii ay ahaan lahayd dhanka kobcinta wacyigooda oo ay qaataan casharo cilmi ah iyo casharo dhanka jir dhiska ah, waxa ayna halkaas kusoo bandhigeen sida Askariga uu isku difaacayo marka uu dagaal ku jiro oo uusan hubaysneen iyo qaab lagdan ah oo ciidanku wafdiga ku tusinayeen waxii ay barteen.
General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo kulamo la qaatay Madaxda goobihii uu booqday, ayaa kaga mahadceliyay qaabka wanaagsan ee u soo dhaweeyeen isaga iyo xubnaha kale, ee wehlinaaya booqashadiisan Magaalada Khartoum.
Taliyaha, ayaa xubnihii uu la kulmay waxa uu kaga warbixiyay baahida ay qabaan Ciidanka Booliska Somaliya, isagoona ka dhawaajiyay in baahi weyn ay u qabaan inay hellaan tababaro dhinac kastaba leh.
Maamulka Jaamacadda Ribaad, ayaa General Xaamud u sheegay in Maamulku uu diyaar u yahay in Somaliya uu ka caawiyo tababarada, ay u baahan yihiin Booliska Somaliya, si ay kaga soo dhallaalaan ammaanka dalkooda.
General Xaamud, ayaa Khamiista maantato ah waxaa lagu wadaa in uu soo gaba gabeeyo booqashada uu ku jooggo Xarunta Sudan, iyadoona ujeedada uu u tagey lagu sheegay, sidii uu gacan kaga heli lahaa hay’adaha amniga dalkaasi, si Booliska Somaliyeed ay u tababaraan.
GUDDOOMIYIHII GOBOLKA SH/HOOSE C/QAADIR SIIDII OO XILKA LAGA QAADAY
Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shalay booqday magaalada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa ku dhowaaqay wareegto uu xilka ugaga qaaday guddoomiyihii Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii.
Munaasabadan ka dhacday Afgooye ayuu sidoo kale Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa uu ugaga dhowaaqay guddoomiyaha cusub ee gobolka Sh/hoose inuu yahay Ibraahim Aadan Cali.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ammaan u soo jeediyay guddoomiyihii hore ee gobolka Sh/hoose C/qaadir Siidii.Hase yeeshee madasha loogaga dhowaaqay xilka qaadista guddoomiyaha gobolka Sh/hoose ayuusan joogin Siidii.
Gobolka Sh/hoose ayaa ka mid ah saddexda gobo lee ay ku mideysan yihiin maamulka Koofur Galbeed, hase yeeshee waxaa labadii sano ee la soo dhaafay hareeyay magaalo madaxda gobolka Sh/hoose ee Marka dagaalo sokeeye oo beelo ku dagaalameen.
WASIIRRADA CUSUB EE DALKA NIGERIA OO SHALAY SI RASMI AH LOOGU DHAARIYAY ABUJA
Golaha Wasiirrada cusub ee Xukuumadda Nigeria ayaa shalay oo Arbaco ah lagu dhaariyay xarunta madaxtooyada dalkaas ee Abuja, kaddib shan bilood markii xilka loo dhaariyay madaxweynaha dalkaas Mohammadu Buhari.
Wasiirrada Nigeria ee shalay la dhaariyay oo tiradoodu tahay 36 wasiir ayaa waxaa ka mid ah; wasiirka maaliyadda iyo dhaqaalaha, Kemi Adeosun, wasiirka gaashaandhigga, Mansur Dan Ali, iyadoo la sheegaey in wasiirkan uu hoggaamin doono hawlgallada ka dhanka ah kooxda islaamiga ah ee Boko Haram.
Sidoo kale, gudoomiyihii hore ee Lagos, Babatunde Fashola ayaa loo magacaabay wasiirka Tamarta, Shaqada iyo Guriyeynta Nigeria. Sidoo kale, Audu Ogbe oo ah siyaasi 68jir ah ayaa loo magacaabay wasiirka beeraha.
Wasiirrada cusub ee Nigeria ka mid ah; Heineken Lokpobiri, Adamu Adamu, Mustapha B. Shehuri iyo Okechukwu Enyinna Enelamah oo ka mid ah wasiirrada ugu muhiimsan dalka Nigeria, iyadoo la sheegay in wasiirradan uu kasoo kala cushay dhammaan gobollada dalka Nigeria.
Mohammedu Buhari ayaa xilka madaxweynaha Nigeira loo doortay bishii Maarso ee 2015ka, iyadoo la dhaariyay bishii May ee isla sannadkaan, waxaana tan iyo xilligaas uu sheegi jirtay inuu ku dhawaaqayo golihiisa wasiirrada, balse dib u dhaca ayaa la xusay inuu ku yimid isagoo raadiyay wasiirro kasoo bixi kara xilalka loo doortay.
Tirada wasiirrada uu magacaabay madaxweyne Buhari ayaa aad uga yar kuwii uu horay u soo magacaabay madaxweynihii ka horreeyay Goodluck Jonathan, kuwaasoo tiradoodu 42 wasiir ay ahayd, iyadoo la sheegay in madaxweynaha Nigeria Buhari uu tirada wasiirrada ku saleeyay dastuurka dalkaas.
Ugu dabmeyn, dalka Nigeria ayaa waxaa horyaalla caqabado badan, waxaana la sheegayaa in golaha wasiirada uu ka maqan yahay wasiirka shidaalka oo xilka ugu muhiimsan golaha wasiirrada dalkaas, maadaama dhaqaalihiisu uu ku tiirsan yahay shidaalka.
KENYA: KU DHAWAAD 20QOF OO SIYAABO KALA DUWAN UGU GEERIYOODAY ROOBAB KA DA’AY DALKA KENYA
Roobab mahiigaan ah oo dhawaanahaan ka da’ay gobalada kala duwan ee wadanka Kenya, ayaa waxey sababeen dhimashada ku dhawaad labaan qof iyo waliba qasaare hantiyadeed.
Shan qof, ayaa la xaqiijiyay talaadadii aynu soo dhaafnay iney ku dhinteen, halka boqolaal kalana ay ku barakaceen daadad ka dhashay roobab culus oo ka da’ay deegaanka Mount Elgon oo ku yaalla meel aan ka fogeyn xuduuda kala barto wadamada Kenya iyo Uganda.
Saddex kamid ah shantaas qof ee dhimatay, ayaa la sheegay iney ku soo rogmeen Dhoobo iyo Biyo is wato.
Dhanka kale Jasiirada Migingo oo ay ku muransan yihiin dalalka Kenya iyo Uganda, ayaa roobab mahiigaan ah oo ka da’ay waxey guryo tireen 40qof oo ka mid ahaa kalluumeysatada jaziiradaas, kaddib markii guryahoodii uu daad qaaday.
Habeenadii aynu soo dhaafnay Roobab xoogan oo ka da’ay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, ayaa iyaguna waxey sababeen iney xirmaan qaar kamid ah wadooyinka waa weyn ee dhex maro magaalada oo ay biyo fariisteen, iyo waliba iney Daadad qaadeen qaar kamid ah guryaha ku yaallo xaafadaha dhaco dhanka bari ee Magaalada oo ay dagan yihiin dad sabool ah.
Dhanka gobalka ay Somalidu ka dagto Kenya ee Waqooyibari, ayaa wararka laga helaayo waxey sheegayaan in magaalada Gaarisa ay cabsi la soo daristay boqolaal qof oo ku noolaa agagaarka wabiga Tana River, kuwaasoo qarka u saaran iney ka cararaan guryahoodi kaddib markii ay daadad xoogan u soo galeen. Halka magaalada Mandheerana ilaa 7 qof laga badbaadiyay Daadadsaameyay Magaaladaas.
Dowlada Kenya, ayaa horay waxey u sheegtay iney ugu talagashay gurmadka roobabka Elnino lacag dhan 5 Bilyan oo lacagta Kenya ah, si loogu caawiyo dadka ay dhibaatadu gaartay.
Dhammaan ismaamulada ama Countyyada Kenya, ayaa lacago kala duwan u qorsheeyay gurmadka fatahaada iyo daadadka ay sababeen roobabka hada Kenya ka da’aayo.
Dhanka kale Nadiif Jaamac oo ah Guddoomiyaha magaalada Gaarisa ee gobalka Waqooyi bari, ayaa sheegay in boqolaal milyan ay ugu tala galeen gurmadka Elnino wuxuuna sidoo kale sheegay iney lacagahaas wax ugu qaban doonaan dadka ay roobabku saameeyeen.
GUDOOMIYAHA DEGMADA 6AAD EE MPLS OO KA QAYBGALAY DOOD KA DHACDAY BELGIUM ..
Guddoomiyaha Degmada Lixaad ee MPLS, Cabdi Warsame ayaa ka qaybgalay barnaamij doodwadaag ah oo ay si wadajir u marti galiyeen dowlada Belgium iyo wargeyska caalamiga ah ee Politico.
Barnaamijkan ayaa waxaa ka qaybgalay ra’iisul wasaare kuxigeenka dalka Belgium, ahna wasiirka arimaha gudaha, Ian Jambon, madaxa waxbarashada EUda, Tibor Navracsics iyo Duqa magaalada Vilvoorde, Hans Bonte.
Dooda ayaa loogu magacdaray; 'What Works' oo la macno ah 'Maxaan u shaqeeyaa' ayaa looga dooday; soo dhawaynta qaxootiga, waxbarashada iyo shaqo abuurista. Waxaana dhageysanayay doodda boqolaal ruux oo isugu jiray siyaasiyiin, aqoonyahano & ganacsato.
Mudane Cabdi Warsame ayaa tilmaamay ahmiyada shaqooyinka, xirfadaha iyo fursadda shaqoabuurista ay u leedahay ka hortaga falalka amnidarada dhaliya. Isagoo yiri. "Tababarro la xiriiro xirfad u samaynta dhallinyarada muslimiinta ah ayaa ah waddada keliya ee looga gudbi karo caqabadaha haatan na horyaala ee ay ka mid yihiin; shaqa la’aanta, guri la’aanta iyo saboolnimada,” ayuu Warsame yiri.
Sidoo kale, Abdi Warame ayaa xukuumadda Belgium oo casumaad u fidisay la wadaagay barnaamijyo xafiiskiisa horay u hirgaliyay iyo kuwo haatan u qorshaysan. Guddoomiyaha ayaa tusaale u soo qaatay dadaallo xafiiskiisi dhexda ay u xirteen oo la xiriira sidii hay’adaha magaalada sida kwua amniga, waaxda caafimaadka iyo waaxda xuquuqda aa’danaha ay u shaqaalaysiin lahaayeen dhallinyarada Soomaaliyeed oo ah muslimiinta ugu badan ee Minneapolis ku nool.
Guddoomiyaha degmada lixaad ee magaalada Minneapolis ayaa carrabaabay barnaamij Mentorship Program oo haatan xafiiskiisu hirgaliyeen, kaasoo looga golleeyahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqo doonka ah lugu xiro hoggaamiyayaasha ganacsatada ugu waawayn ee gobolka Minnesota.
Abdi Warsame ayaa sidoo kale tilmaamay in haatan uu qorshaynaayo dhisidda wax loogu magac daray "Opportunity Hub”, goob xirfad dhisid iyo shaqogeyn ah; taasoo loogu talogalay dhallinyarada Somaaliyeed ee degmadiisa ku nool.
Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta dowladda Belgium iyo dadwaynaha goobtaas soo xaadiray ayaa u riyaaqay tusaalooyinka uu Abdi Warsame goobtaasi kusoo bandhigay. Abdi ayaa ah ruuxii ugu horreeye oo muslim ah, Soomaalina ah oo loo doorto guddoomiyo ka mid ah maamulka magaalada Minneapolis.
GOLAHA AMMAANKA QARAMADA MIDOOBAY OO MUDDO KORDHIN U SAMEEYAY LA DAGAALANKA BURCADBADEEDA.
Golaha ammaanka ee qaramada Midoobay ayaa 1 sano oo dheeraad ah ku daray la dagaalanka Burcadbadeeda Soomaalida iyadoo xeebaha Soomaaliya la geynayo Maraakiib iyo Ciidamo la dagaalama kooxahaasi.
15ka dal ee ka tirsan Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxa ay si aad ah u soo dhaweeyeen doorka Ururka Midowga Europe iyo NATO ay ka qaateen la dagaalanka Burcadbadeeda Soomaalida.
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ay ammaan darro ku hayaan biyaha Soomaaliya , iyagoo lacago fara badan oo Madax furasho ah ka qaata Maraakiibta iyo dadka ay afduubtaan.
Ugu dambeyn Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa soo jeediyay in la sameeyo Maxkamad la soo taago dadka lagu helo dambiyada Burcadbadeednimada si loo yareeyo qatarahooda.
TACSI TIIRAANYO LEH
Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Madbacada Qaranka
Soomaaliya Md.Maxamuudd Maxamed Juun, Xabiibo Axmed Jimcaale {Biibto}, Maryan Cali Dhiblaawe, Bashiir Xaaji Iimaan,
Cabdi Siyaad Maxamed, Ing.C/raxmaan Maxamuud Cilmi, Yuusuf Cali Cabdi,Maxamed
Axmed Malooko, Cismaan Axmed Niino, Axmed Maxamuud Dhicisoow, Cismaan Maxamuud
Walaayo {Loosoow}, Maryan Cabdi Shakuur Aadan {Jiihaa}, C/Casiis Macoow
Macallin, Maxamuud Axmed Jimcaale [Firdhiye}, C/qaadir Dhaga weyne, Cabdi Aadan Cismaan {C.Nareeri},Cali Nuur
Muudeey {Caliyoow},Cabdi Maxamed Dhiblaawe{Cabdi Jacaf} Maryan Cali Maxamed {Maryan ruun} Xaliimo
Sacdiyo Sheekh Cumar, Tirmiro Maxamed Yabroow, Cabdulqaadir Yuusuf Maxamuud
{Sheekh Loof}, Xaliimo Nuur Hilowle {Taliso} Faadumo Cumar Maxamed {Faadumo
Black}, Qadiijo Sh. Maxamuud {khadiijo Ruush}, Xaliimo Cali Jaakoole,Cabdi
Makaraan Cadoow, C/laahi Maxad Warsame {C/hi Jiis} CabdullaahiUuseey, Safiyo Sh. Maxamuud , Safiyo Ibraahin Cali {S.loren} Xaawo
Maxamed Cumar {Xaawo Luul}, Sacdiyo Maxamed Oreey,Luul Maxamed Gacal,Faadumo
Axmed Nuur, Faadumo Cali Caddoow, Sameey Macallin, iyo dhammaan shaqaalihii
hore ee W.M.Q. Waxaay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Reer Xasan Cali Gaaboow
iyagoo ugu tacsiyadeynaya Geeridii ku Timid Xaaji Abuukar Xasan Cali Gaaboow
oo 9/11/2015 ku geeriyooday magaalda JigJiga waxayna alle ugu barayayaan inuu alle ka
waraabiyo marxuumka jannadii fardowsa
ehelka iyo axsaabtana samir iyo iimaan saadaq ah ka siiyo INNAA LILLAAHI WA INAY ILAAHI RAAJICUUN
Aamiin Aamiin Aamiin
TACSI TIIRAANYO LEH
Maamulka iyo shaqaalah wargeyska Mogadishu Times
Daily News Paper iyo Wabka WWW.MOGTIMES.COM waxaay Tacsi u dirayaan
Reer Xasan Cali Gaaboow iyagoo ugu tacsiyadeynaya geeridii ku timid Xaaji
Abuukar Xasan Cali Gaaboow oo ku geeriyooday 9/11/2015ka magaalada jig jiga
maamulka ayaa waxaa uu si qaas ah ugu
tacsiyadeynayaa walaalaha marxuumka ee
kala ah Maxamuud Xasan Cali Gaaboow {Cadde Gaaboow duqiii hore ee G. Banaadir
iyo Muxuuddiin Xasan Cali Gaaboow {Darbaweyne}iyo caruurta iyo xaaska marxuumka waxaayan alle ugu baryayaan inuu
naxariistii janno ka waraabiyo iyagana
samir iyo iimaan saadaq ah ka siiyo INNAA LILLAAHI WA INAY ILAAHI RAAJICUUN
Aamiin Aamiin Aamiin
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 12-KA NIVEMBAR 2015-KA
AADAN MADOOBE "WAXAA JIRA DAD SOOMAALI OO DALAAL KA AH DHULKA AY RABTO KENYA INAY GOOSATO" Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankii KMG Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa sheegay in damaca Kenya ee ku aadan Badda Soomaaliya ay q